Duqeyda Gobolka Gabiley Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Ay Wasiiro Gabiley Kasoo Jeedaa Ula Tageen

Duqeyda Gobolka Gabiley Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Ay Wasiiro Gabiley Kasoo Jeedaa Ula Tageen

DUQAYDA Ga

Gabiley(Salaanmedia.com)-Duqeyda iyo Madaxdhaqameedka kasoo jeeda Gobolka Gabiley,ayaa ku gacan sayadhay Qorshe ay ula tageen Xubno katirsan Golaha Wasiirada kasoo jeeda Gabiley,iyo Wasiirka Waxbarashada iyadoo ay odoyaasha Gabiley si adag uga hadleen qaabka ay Xukuumadu ula dhaqantey dadkii Mudaharaadayay ee haweenka iyo caruurta ahaa,arintaas oo ay ku tilmaameen mid ay hayn doonaan Xukuumada Siilaanyo.
Xubnahan katirsan Golaha Wasiirada ee xaley gaadhay Magaalada Gabiley, ayaan ilaa imika la garaneyn ujeedada socdaalkooda iyadoo la sheegay in ay dabada ka wadaan Qorshe aan munaasib ku ahayn dhacdooyinka taagan islamarkaana, ay ugu guulwadeynayaan Madaxweyne Siilaanyo taas,oo dadweynaha Reer Gabiley wakhtigan go,aan adag ka qaateen, Waxaanay wararku intaa ku dareen in ay Cusbitaalka Gabiley ku booqdeen dhalinyaradii Dhaawaca aheyd ee Ciidamada RRU shaley la dhaceen

xabada. Sidoo kalena afahayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo aan miisaan badan ku lahayn Gabiley,ayaa wararku sheegayaan in uu dhex wareegayo iyadoo dad badani isweydiinayaan, waxa xiligan uyaala Gabiley, maadaama uu yahey sarkaal ka shaqeeya Qasriga Madaxtooyada,iyadoo dadka qaar u arkaan in uu isku sawirayo dhacdooyinka Mudaharaadkii shaley ka dhacey,Gabiley. Wasiirada Gaadhay Magaalada Gabiley,Ayaa kala ah Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye Nuur,Wasiirka Ganacsiga Dr Muuse Qaasim,iyo Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan.