FALAN QAYNTA QODOBO MUHIIM AH OO MADAXWEYNE SIILAANYO WAKHTIGII OLOLAHA DOORASHADII 2010 U BALAN QAADAY SHACABKA INUU WAX KA QABAN DOONO IYO MUDO AFAR SANO AH KA DIB WIXII KA FULAY BALANQAADKAASI…QAYBTA 3AAD

FALAN QAYNTA QODOBO MUHIIM AH OO MADAXWEYNE SIILAANYO WAKHTIGII OLOLAHA DOORASHADII 2010 U BALAN QAADAY SHACABKA INUU WAX KA QABAN DOONO IYO MUDO AFAR SANO AH KA DIB WIXII KA FULAY BALANQAADKAASI…QAYBTA 3AAD

jam

Hargeysa(salaanmedia.com):-waxaynu ku guda jirnay qodobo muhiim ah madaxweyne Siilaanyo balan qaaday inuu wax ka qaban doono wakhtigii uu mucaaridka ahaa.
Qaybta sadexaad ee falanqaynteenana waxaynu ku soo qaadan doona qodobo kale oo madaxweyne Siilaanyo u balan qaaday shacabka kuwaas oo ilaa hada ka muuqato inaan waxba laga qaban waxaana ka mid ah
QODOBKA 7AAD:- LA DAGAALANKA MUSUQ MAASUQA IYO WAX IS DABA MARINTA
La dagaalanka musuq maasuqu waxa uu ka mid ahaa balan qaadyada muhiimka ah ee laga sugayey madaxweynaha somaliland inuu si deg deg ah u fuliyo, iyada oo bulshada somaliland ay si cad u sheegaan inay xafiisyada dawlada ragaadisay musuq maasuqa iyo wax is daba marintu.
Madaxweynaha somaliland Axmed Siilaanyo si uu u hir geliyo balan
qaadkiisii wax ka qabashada musuq maasuqa waxa uu sheegay inuu awood badan u samayn doono hanti dhawrka guud ee qaranka isla markaana awood u yeelan doono inuu baadho xafiis kasta oo dawladu leedahay, isaga oo ku xoojiyey inuu magacaabay guddi loogu magac daray guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, guddidaas oo xukuumadu u samaysay xeer gaar ah oo ay ku hawl galaan isla markaana baarlamaanka somaliland ansixiyeen.
Mudo afar sano ah oo uu talada wadanka gacanta ku hayey madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay shacabka somaliland wali khaatiyaan ka taagan yihiin musuq maasuqa ka taagan xafiisyada dawlada ee hadyo jeer kolba masuulka loo soo magacaabaa uu sida uu doono ugu takri falayo hantida qaranka ee masuulka loo dhigo, iyada oo guddidii uu madaxweynuhu magaacabay iyo hanta dhawrka guud ee qarankuna ay noqdeen kuwo aan shaqadooda ka soo bixin oo sidii la rabay u shaqeeya, iyada oo xafiiska hanti dhawrka guud ee qaranku baadhis dhawr wasaaradood uu ku sameeyey aanu ka soo saarin wax warbixin ah oo la xidhiidha baadhistiisa halka uu kuwo kalana sheegay inuu waxba ku waayey.
Madaxweyne Siilaanyo ayey xukuumadiisa dhaliil xoogani uga mashaariic laga fulinayey dalka oo xisbiyada mucaaridka ah ee somaliland ay sheegeen in la musuq maasuqay kuwaas oo ay ugu muhiimsanayaan, mashruucii dib u dhiska madaarka caasimada ee dawlada Kuwait ugu deeqday somaliland iyo mashaariicda macdan baadhista dalka taas masuuliyiinta wakiilka ah uga ahaa mashaariicdaas ee wasiirka Duulista iyo Wasiirka macdanta lagu eedeeyo inay musuq maasuq balaadhan ka gaysteen mashaariicdaas dalka laga waday, iyada oo aanu madaxweyne Siilaanyo ka jawaabin dhaliilaha xukuumadiisa uga yimid hir gelinta mashaariicdaasi.
Mudadaas uu xukunka wadanka hayey madaxweyne Siilaanyo ilaa maanta shacabka somaliland wali waxay ka sugayaan hir gelinta balan qaadkiisii ahaa la dagaalanka musuq maasuqa inkasta oo mudo koobani u hadhay balse uu wali musharax shacabka cod ka doonaya yahay.
QODOBKA 8AAD: WAX KA QABASHADA SIXIR BARARKA MACEESHADA
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu nasiib u yeeshay inuu noqdo madaxweynihii ugu horeeyey ee shahaada sare ee Master-ta ka sita cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasada, cilmigaas oo si qoto dheer u qaada dhiga sidii wadan looga saari lahaa dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta, sidaas darteed waxa uu madaxweynaha somaliland wakhtigii uu mucaaridka ahaa ku balan qaaday inuu wax badan ka qaban doono sixir bararka maceeshada, si ay dadka danyarta ah ugu suura gasho inay helaan maceeshad ay qiimaheeda goyn karaan.
Haatan oo uu madaxweyne Siilaanyo talada dalka gacanta ku hayey mudo afar sanadood ah waxa muuqata inaanu wax badan ka qaban sixir bararka maceeshada, iyada oo qiimaha maceeshaduna uu maalinba maalinta ka danbaysa kor u sii kacayo.
Dhawaan ayey ahayd markii qiimaha shiidaalku kor u kacay taas oo keentay inay maceeshaduna qaaliyowdo, waxaanu musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo qiimaha shiidaalka iyo maceeshada ka hadlayey uu sheegay inay xukuumadani noqotay tii ugu horaysay ee wadanka somaliland soo marta ee qiimaha maceeshadu halkii ugu saraysay tagay, waxaanu sheegay haddii aanay xukuumadu wax ka qaban inay somaliland noqon doonto wadanka ugu nolosha qaalisan ee geeska Afrika.
Wali shacabka masaakiinta iyo danyarta ah ee somaliland ayaa madaxweyne Siilaanyo oo ay codkooda ku geeyeen kursiga ugu sareeya dalka waxay ka sugayaan wax qabashada qiimaha maceeshada oo haatan maraya halkii ugu saraysay, iyada oo haddii wax laga qaban waayana ay keeni doonto inay qoysas badani awoodi kari waayeen inay nolol maalmeedkooda daboolaan.
Inkasta oo mudo koobani ka hadhsan tahay wakhtigii loo cimaamaday madaxweyne Siilaanyo kursiga ugu sareeya dalka hadana shacabku waxay wali ka sugayaan hir gelinta balan qaadyadiisa, iyada oo ay xukuumadiisu kor u qaaday cashuurta laga qaadi jiray maceeshada wadanka soo galaysa ee uu xukuumadii hore ku dhaliili jiray.

QODOBKA 9AAD:- CASHUURTA LAGA QAADO DADKA EE AAN WAXBA LAGU QABAN
Madaxweyne Axmed Siilaanyo wakhtigii uu mucaaridka ahaa waxa uu balan ku qaaday inuu shacabka somaliland u habayn doono cashuurta laga qaado si wax loogu qabto, isaga oo xukuumadii ka horaysay ku dhaliili jiray inay cashuurta dalka iska cunto isla markaana aanay waxba ugu qaban.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa madaxweyne Shahaadada sare ee Master-ta ka sita cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasada, waxaanu s I fiican u ogyahay in cashuurta oo kor loo qaadaa ay keeni karto inuu wadanku yeesho dabaqado kala sareeya oo dhinaca dhaqaalaha ku kala tagay, cashuurta oo kor loo qaadanaa waxay dhibaato ku tahay dadka danyarta ah ee wadanka ku sugan kuwaas oo ay wax waliba ku qaaliyoobayaan.
Mudo afar sano ah ka dib madaxweynaha somaliland wax uu ka dhimo hayska joogtee waxa lagu tilmaamayaa inuu yahay madaxweynihii cashuurta dadka laga qaado gaadhsiiya heerkii ugu sareeyey, taas oo meesha ka saartay inay nolosha dadka kor u soo qaado mushahar kordhinta ay xukuumadiisu inta badan ku faanto ee loo sameeyey shaqaalaha dawlada iyo ciidamada kala duwan ee somaliland.
Maceeshada ku qaaliyowday shacabka somaliland ee ay markasta ka cabanayaan waxay ka timid cashuur kordhinta ay samaysay xukuumada madaxweyne Siilaanyo, sidoo kale xisbiyada mucaaridka ah ee somaliland ayaa xukuumada si weyn ugu dhaliila cashuur kordhinta ay ku samaysay shacabka, waxaanay si gaar ah farta ugu fiiqaan inaanay xukuumadu waxba shacabka ugu qaban cashuurta faraha badan ee laga qaado, waxaanay tilmaamaan inay kala badan tahay wax u qabashada bulshada iyo cashuurta laga qaadayaa.
Sidoo kale xisbiyada mucaaridka ahi waxay madaxweyne Siilaanyo si gaar ah ugu dhaliilaan inuu madaxtooyada somaliland hoos geeyey isha kaliya ee dhaqaaluhu ka soo galo wadanka ee dekeda Berbera iyo haamaha shiidaalka, waxaana tilmaamaan in dhaqaalaha ka soo xarooda goobahaas ay xukuumadu si gaar ah ugu takri fasho oo aanay bulshada waxba ugu qaban.

LA SOCO QAYBAHA DANBE