Falan Qaynta Qodobo Muhiim Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo Wakhtigii Ololaha Doorashadii 2010 U Ballan Qaaday Shacabka Inuu Wax Ka Qaban Doono Iyo Mudo Afar Sano Ah Ka Dib Wixii Ka Fulay balanqaadkaasi…Qaybta 4aad

Falan Qaynta Qodobo Muhiim Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo Wakhtigii Ololaha Doorashadii 2010 U Ballan Qaaday Shacabka Inuu Wax Ka Qaban Doono Iyo Mudo Afar Sano Ah Ka Dib Wixii Ka Fulay ballanqaadkaasi …Qaybta 4aad

Falanqayn

Hargeysa(Salaanmedia.com):-qormada afaraad ee balan qaadyadii uu madaxweyne Siilaanyo u sameeyey shacabka somaliland wakhtigii uu mucaaridka ahaa balse waxa ka hir galay ay iska yihiin waxaynu ku soo qaadan doonaa laba qodob oo muhiim ah
QODOBKA 9AAD:- CASHUURTA LAGA QAADO DADKA EE AAN WAXBA LAGU QABAN
Madaxweyne Axmed Siilaanyo wakhtigii uu mucaaridka ahaa waxa uu balan ku qaaday inuu shacabka somaliland u habayn doono cashuurta laga qaado si wax loogu qabto, isaga oo xukuumadii ka horaysay ku dhaliili jiray inay cashuurta dalka iska cunto isla markaana aanay waxba ugu qaban.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa madaxweyne Shahaadada sare ee Master-ta ka sita cilmiga dhaqaalaha iyo siyaasada, waxaanu s I fiican u ogyahay in cashuurta oo kor loo qaadaa ay keeni
karto inuu wadanku yeesho dabaqado kala sareeya oo dhinaca dhaqaalaha ku kala tagay, cashuurta oo kor loo qaadanaa waxay dhibaato ku tahay dadka danyarta ah ee wadanka ku sugan kuwaas oo ay wax waliba ku qaaliyoobayaan.
Mudo afar sano ah ka dib madaxweynaha somaliland wax uu ka dhimo hayska joogtee waxa lagu tilmaamayaa inuu yahay madaxweynihii cashuurta dadka laga qaado gaadhsiiya heerkii ugu sareeyey, taas oo meesha ka saartay inay nolosha dadka kor u soo qaado mushahar kordhinta ay xukuumadiisu inta badan ku faanto ee loo sameeyey shaqaalaha dawlada iyo ciidamada kala duwan ee somaliland.
Maceeshada ku qaaliyowday shacabka somaliland ee ay markasta ka cabanayaan waxay ka timid cashuur kordhinta ay samaysay xukuumada madaxweyne Siilaanyo, sidoo kale xisbiyada mucaaridka ah ee somaliland ayaa xukuumada si weyn ugu dhaliila cashuur kordhinta ay ku samaysay shacabka, waxaanay si gaar ah farta ugu fiiqaan inaanay xukuumadu waxba shacabka ugu qaban cashuurta faraha badan ee laga qaado, waxaanay tilmaamaan inay kala badan tahay wax u qabashada bulshada iyo cashuurta laga qaadayaa.
Sidoo kale xisbiyada mucaaridka ahi waxay madaxweyne Siilaanyo si gaar ah ugu dhaliilaan inuu madaxtooyada somaliland hoos geeyey isha kaliya ee dhaqaaluhu ka soo galo wadanka ee dekeda Berbera iyo haamaha shiidaalka, waxaana tilmaamaan in dhaqaalaha ka soo xarooda goobahaas ay xukuumadu si gaar ah ugu takri fasho oo aanay bulshada waxba ugu qaban.
QODOBKA 10-AAD:- SII ADKAYNTA MIDNIMADA SHACABKA SOMALILAND
Shacabka somaliland markii ay arkeen barnaamijka siyaasiga ah iyo balan qaadyada uu madaxweyne Siilaanyo soo hor dhigay shacabka waxay go,aansadeed iyaga oo aanay cidina ku khasbin qabiil ahaana u eegin inay codkooda siiyaan madaxweyne Axmed Siilaanyo oo musharax u ahaa xisbiga Kulmiye, taas oo meesha ka saartay in madaxweyne Siilaanyo lagu tilmaamo madaxweyne ay beel kaliya u codaysay, balse markii uu gacanta ku dhigay talada dalka waxa lagu tilmaamaa inuu la soo baxay mid ka duwan wixii laga filayey waxaana haatan si weyn loogu eedaynayaa inuu si gaar ah sad bursiimo u siiyo beeshiisa, waxaanay taasi keentay inay xisbiyada mucaaridka ah ee somaliland iyo dadka shacabka ahiba farta ku fiiqaan talaabooyin uu madaxweyne siilaanyo qaaday oo uu muuqda kuwo uu beeshiisa garabka ku saaray.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ka muuqata inuu meesha ka saaray midnimadii shacabka somaliland oo ah qodobka ugu muhiimsan ee wadankani ku gaadhay halka uu maanta marayo, waxaana markii ugu horaysay dhacday inay qaar ka mid ah beelaha somaliland ay ka cawdaan saamiga uu ka siiyey xukuumadiisa.
Sidoo kale madaxweyne Siilaanyo waxa lagu dhaliilaa in doorashadii ugu horaysay ee uu dalka ka qabtay ay xukuumadiisu faraha kula jirtay oo ay si aan gabasho lahayn u kala xulatay ururadii iyo xisbiyadii ka qayb galay doorashada golaha deegaanka, taas oo keentay inay shacabka somaliland si weyn ugu kala qayb samaan doorashadaas iyada oo midhihii ka soo baxay doorashadaasina ay ilaa maanta hor taagan yihiin xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.
Xisbiyada mucaaridka ah ee siyaasiyiinta kale ee somaliland ayaa madaxweyne si weyn ugu canbaareeya inuu kala qaybiyey shacabka somaliland iyaga oo si gaar ah loo soo qaato weedh taariikhda gashay oo madaxweynihii hore kaga tagay Axmed Siilaanyo oo ahayd “WAXAAN KAAGA TAGAY DAL MID AH IYO DAD MID AH” waxaana madaxweyne Siilaanyo haatan si weyn loogu dhaliilaa inaanu labadaas midna hayn, iyada oo taariikhda markii ugu horaysayna somaliland dhulkeeda lagaga dhawaaqay maamul goboleed sheeganaya inuu ka madax banaan yahay somaliland inteeda kale.