Filashadii Hore, Foorihii Cirro, Fiiggii Baashe, Firkanaxii Xeerka Iyo Fooridii Ka Danbaysay

Filashadii Hore, Foorihii Cirro, Fiiggii Baashe, Firkanaxii Xeerka Iyo Fooridii Ka Danbaysay

Foorihii ciro

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro oo shalay subax ka soo laabtay safar dalka dibadiisa ah ayaa si aan hakad lahayn u galay fadhigii Golaha wakiiladda, kadib markii uu ka soo degay madaarka. Isla markaana wuxuu la wareegay hogaamintii shirka oo uu waday Gudoomiye ku xigeenkiisa Baashe.
Fadhigaa shalay waxa qorshuhu ahaa in lagaga gaadhsiiyo ansixinta xeerka isu barkiyay labada diiwaangelineed ee xukuumaddu soo gudbisay, waxaana shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Baashe Maxamed Faarax, isla markaana waxa markiiba degdeg loo qaybiyay nuqulada xeerkaa, mudanayaasha mucaaridka qaarkood, balse looma joojin waxaana ka xoog batay muxaafidiinta xagjirka ah, oo iyagu ku dhawaaqayay “duuduub halagu ansixiyo”. Hase yeeshee waxa hoolkii shirka si kedis iyo lama filaan ahayd u soo galay Gudoomiyaha Golaha Cabdiraxmaan Cirro, oo safar dibadeed inuu ku maqan yahay lagu ogaa, balse markuu madaarka ka soo degay si toos ah u soo abaaray shaqadiisa.
Wuxuu u muuqday nin dareen waday oo filan karayay waxa socday, sidaa daraadeed markii uu soo galayba, wuxuu abaaray kursigiisa oo uu markaa ku fadhiyay Gudoomiye ku xigeenka oo shirka hogaaminayay. “ Muddane xaggaa u durug oo kursigaaga ku fadhiiso”, intuu Gudoomiye Cirro ku tiraabay ayuu kursigiisa ku fadhiistay, Gudoomiye ku xigeenka oo u ekaa nin naxdin lama filaan ah la kulmay, ayaa isna ka kacay kursigii uu ku meel gaadhka ugu fadhiyay, sidaana waxaa hogaamintii shirka kula wareegay Gudoomiye Cirro.
Waxa istaagay hugunkii markii hore socday, waxaana loo dheg taagay waxa uu odhan doono Gudoomiyuhu. Md Cirro wuxuu u sheegay golaha in xeerka diiwaan gelintu hor oolli doono golaha, balse marka hore loo yeedhi doono guddiga doorashooyinka si wax looga waydiiyo oo ay faahfaahin ugabixiyaan, isla markaana wuxuu intaa raaciyay in shirku xidhan yahay. Go’aankaa muxaafidiinta xag jirka ah, kuwaasoo aan jeclaysan khatimaadii kulankaa, inkaarta ku dhacdhay filashadoodiina u qaadan la’aa. Hase ahaatee waxa iyana dhinacooda qaylo ugu jawaabayay mucaaridka xag jirka ah ee golaha.
Xeerkan xukuumaddu soo diyaarisay ee madaxa isu geliyay diiwaan gelinta maddaniga ah iyo ta codbixiyayaasha, ayaa dalka ka aloosay khilaaf xoog leh, kaasoo sababay in xisbiyada mucaaridku qaadacaan diiwaan gelinta madaniga ah oo ay ku tilmaameen, in aanay ahayn diiwaan gelin dhab ah ee ay tahay dhagar siyaasadeed oo lagu hor joogsanayo in doorashadu dhacdo xiligeedii. Sidoo kalena daneeyayaasha Somaliland ka caawiya kobcinta dimoqraadiyadda ayaa aad uga walaacsan khilaafka dhisaalan, kaasoo ay u arkaan inuu caqabad ku noqonayo doorashada, hadaanay xukuumaddu ixtiraamin heshisyadii hore looga gaadhay arrintaas, isla markaana dhinacyada ay khusaysaa aanay is faham ka gaadhin kala soocida labada diiwaan gelinood oo aan is qaadi Karin“Komishanka doorashooyinka, xisbiyadda siyaasadda iyo madaxtooyadu waa inay heshiis ku ahaadaan oo ay ku taagnaadaan nidaamkii hore la isugu waafaqay ee ahaa, in laba jid loo kala maro diiwaan gelinta madaniga ah iyo diiwaan gelinta codbixiyayaasha, si aanay diiwaan gelinta maddaniga ahi caqabad ugu noqonin diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo ay waqtigeedii ugu dhacdo”, weedhahaasi waxay qayb ka ahaayeen warqad qoraal ahayd oo qaadhaan bixiyayaashu u soo direen dhawaan sadexda gudoomiye ee xisbiyada siyaasada, wasiirka madaxtooyadda, komishanka doorashada, isla markaana ogaysiin lagu siiyay wasiirka Arrimaha gudaha oo wasaaradiisu gadh wadeen ka tahay fulinta diiwaan gelintan madaniga ah ee muranka dhalisay, waxaana warqaddaa ku saxeexnaa safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan soomaaliya mr Neil Wigan.