GABILEY:MUDAHARAADKII GABILEY OO DHAAWACYO HALIS AH CIIDAMADU UGU GEYSTEEN DHALINYARADII IYO ILMO YAR OO KU DHINTEY BAABUUR RRU LEEDAHAY OO DULMAREY DAAWO-SAWIRADA

GABILEY:MUDAHARAADKII GABILEY OO DHAAWACYO HALIS AH CIIDAMADU UGU GEYSTEEN DHALINYARADII IYO ILMO YAR OO KU DHINTEY BAABUUR RRU LEEDAHAY OO DULMAREY DAAWO-SAWIRADA

dhaawac2

Gabiley (Salaanmedia.com) Wiil yar oo da’adiisa lagu qiyaasay Toban Jir ayaa dhintay iyo Sagaal qof oo kale way ku dhaawacmeen kadib markii ay Wasiirada kasoo jeeda deegaanka Gabiley iyo ciidamada RRU-du Rasaas ooda kaga qaadeen dadwayne ka mudaharaadayay Sargaal Ciidanka Qaranka Somaliland ka tirsanaa oo maalin ka hor si badheedh ah loogu dilay deegaanka Qori-lugud ee ka tirsan gobolka Buuhoodle ee Somaliland
Goor dhawayd ayaa baabuur ay wateen ciidamada RRU-du dul maray hooyo iyo ilmo ay gacanta haysay, halkaasi oo wiilkii ku dhintay, hooyadiina xaaladeedu aad u adag tahay kadib markii loola cararay dhinaca cusbitaalka guud ee magaalada Gabiley
Wiilka yar dhintay ayaan magaciisa la xaqiijin ilaa iyo hadda waxaa soo gaadhay cusbitaalka guud ee magaalada Gabiley shan qof oo dhaawaca halka dadka kale oo dhaawaca loola cararay magaalada Hargaysa si loola tacaalo xaaladooda caafimaad oo liidatay awgeed

Dadka dhaawacmay ee dhakhtarka la keenay ayaa magacyadoodu waxa ay kala yihiin
1.Suhayb Yaasiin Cismaan

2.Cawaale Cumar Faarax

3.Axmed C/laahi Ciise

4.Iyo gabadh iyo wiil aan wali la aqoonsan magacaantooda oo koomo ku jira