Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Ansixiyey Xeerka Komishanka Dib U Habaynta Shuruucda Dalka.

Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Ansixiyey Xeerka Komishanka Dib U Habaynta Shuruucda Dalka.

Saleeban Gaal

Hargeysa(Salaanmedia.com):-Golaha guurtida somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka komishanka dib u habaynta shuruucda dalka.
Fadhiga maanta ee golaha guurtida somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayey mudanayaashu cod aqbalabiyad ah ku ansixiyeen xeerka komishanka dib u habaynta shuruucda dalka oo ay wax ka badal iyo kaabis ku sameeyeen guddida shuruucda ee golaha guurtida somaliland
Fadhiga maanta ee golaha guurtida somaliland oo ay ka soo xaadireeen 44 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay ayaa waxa xeerkan loo sameeyey komishanka dib u habaynta shuruucda dalka ogolaaday 41 xildhibaan, waxaana diiday 2 xildhibaan halka gudoomiyuhuna aanu codayn.
Sidaasna waxay mudanayaasha golaha guurtida somaliland ku ansixiyeen xeerka komishanka dib u habaynta
shuruucda dalka oo ay wax ka badal iyo kaabis ku soo sameeyeen