Golaha Wakiilada Oo Khatimay Dooda Xeerka Diiwaan Gelinta Madaniga ah

Golaha Wakiilada Oo Khatimay Dooda Xeerka Diiwaan Gelinta Madaniga ah

dsc_0239_490_220

Hargeysa (Salaanmedia.com) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta soo gabogabeeyay dooda Xeerka Diiwaan Gelinta Madaniga ah oo maalmihii ugu dambeeyay ka socotay aqalkaas.
Fadhigii Saaka ee Golaha Wakiilada oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayay mudaneyaashu si aad ah uga doodeen xeerkan. Hadal Qoraalkeeda doodan ayaa labada maalmood ee soo socda la isku soo uruurin doonaa, waxaanay mudaneyaasha aqalkaasi u qaadi doonaan cod. Dhinaca kale Magaaladda Hargeysa ayaa waxa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ka socotay Diiwaan Gelinta Madaniga ah. Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa hore kulan ugala yeeshay Madaxweynaha Somaliland diiwaan Gelinta Madaniga ah, waxaanay ku sameeyeen wax ka bedel, sidaas ayaanay ku heshiiyeen