GOORMAA XAFIISKI XISBIGA KULMIYE EE GOBALKA TOGDHEER ALBAABADA LOO LAABAY IYO DAREENKA AY KA BIXIYEEN TAGERAYASHA XISBIGA KULMIYE EE GOBALKA TOGDHEER

GOORMAA XAFIISKI XISBIGA KULMIYE EE GOBALKA TOGDHEER ALBAABADA LOO LAABAY IYO DAREENKA AY KA BIXIYEEN TAGERAYASHA XISBIGA KULMIYE EE GOBALKA TOGDHEER

OFFICE KUL

Burco (Salaanmedia.com) Xafiiska dhexe ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Gobolka Togdheer isla markaana xarun u ah Gobolada Bari ee Somaliland ayaa Beryihii ugu danbeeyay iruduhu u laabnaayeen,
Xafiiskani Xisbiga Kulmiye ku Leeyahay Magaladda Burco ayaa isagu ahaa Mid Mudooyinkii u Danbayayba ay istaagsanayd Howshiisu isla Markaasna ay Xafiiska ku Hadheen Oo Kaliya Waraaqo iyo Kuraas.

Mulkiilaha Gurigani Uu Xisbiga Kulmiye kaga Jiray Aqalka ayaa isagu ka Caydhiyay Waashimaankii Xafiiskaasi u ilaalin Jiray Xisbiga Kulmiye.

Waxaanu Mulkiilaha Gurigaasi Uu Furayashii Aqalkaasi ku Warejiyay Mid ka Mid ah Ehelkiisa ka Dib Markii Uu Xisbiga Taladda Haya Ee Kulmiye Tahli Kari Waayay inuu
iska Bixiyo Kirada Gurigaasi Muddo Afar Bilood ah.

Mid ka Mid ah Tagerayasha Xisbiga Kulmiye Ee Gobalka Togdheer Oo la Hadlayay Shabakadda Caalamiga ah Ee Hadhwanaagnews ayaa u Xaqiijiyay in Xisbiga Kulmiye Tahli Kari Waayay inuu iska Bixiyo Kiradii Gurigaasi.

Waxaana ka Mid ahaa Hadaladisii Sida Tan ” Furihii Waa lala Wareegay Oo Oday baa Lagu Wareejiyay Afar Bilood Oo Kiro ah baa lagu Yeeshay,Waa Nasiib Darro in Xisbigii Talada wadanka Hayay Uu iska Bixin Kari Waayo Lacagtii Kirada,Hadii Aanu Nahay Tagerayasha Kulmiye Burco Waanu ka Xunahay,Hadii arinkaasi wax Laga Qaban Waayana Waanu iskaga Baxaynaa Kulmiye Sidaas ayaanu u Shegaynaa ”

Dhawaan ayay ahayd Markii Sidan Oo Kale Loo Xidhay Xafiiska Xisbiga Kulmiye Ee Gobalka Togdheer ka Dib Markii Uu Xisbigu iska Bixin Kari Waayay Kiradii Gurigaasi isla Markaasna Uu Mulkiilaha Aqalkaasi ka Kireyay Rug Cafimaad Oo Rinjigiina Laga Bedelay Oo la Cadeeyay,Waxaana Masuuliyinta Xisbiga Kulmiye Ee Gobalka Togdheer ay Dib u Baryeen Dadkii Kiraystay Gurigaasi Si Dib Loogu Marayo Rinjiga Calanka Xisbiga Kulmiye.

Goobta Uu ku Yaalo Xafiiskani Oo ah Goob Leh Barxad Wayn ayaa Waxa ka Dilaacay Doox Wayn Waxaana Wakhtiyada Roobabka Uu Yahay Meel Biyo Fadhiisana Oo Aanay Haba-Yaratee Socod Aan Lagu Mari Karin Gadiid Mooyane.

Dhinaca Kale Mar Aanu Khadka Telephone Kula Xidhiidhnay Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobalka Togdheer Sahal Aden Maxamed ayaa Shegay in Aanu Xisbigu Wali ka Bixin Gurigaasi Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan

” Anigu Ma Ogi,Wax Kiro ah Oo Nalagu Leeyahay Ma Jirto Markay Bishu Dhamaato Ayay Account Ugu Soo Dhacdaa,Qolada Guriga Lehina Waxay Noola Yimadeen Gaydh Xafiiska ka soo Horjeedkiisa Laga Dhisay Anaguna Dowlad Hoose Ma Nihin” Ayuu ku Soo Koobay Hadalkiisa Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobalka Togdheer