Guddoomiyaha Wakiillada Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb galka Shir Maal Gashi U Tegay Dubia

Guddoomiyaha Wakiillada Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb galka Shir Maal Gashi U Tegay Dubia

ZAYLICI IYO CIRO

.
Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, isla markaana ah Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil (Saylici), ayaa u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay kaga qabgelayaan shir maalgashi oo loo qabtay dalal ka tirsan Afrika, kaasoo ka dhici doona Dubai 10-ka bishan.
Warku wuxuu intaa ku daray in xukuumadda iyo Gudoomiyaha Wakiilada labada si toos ah loogu marti qaaday shirkaa, ayna labadaa masuulba shalay ka dhoofeen dalka.

Madaxweyne ku xigeenku mar uu shalay ka dhoofayay madaarka Hargeysa, isaga oo u socday Shir lagaga hadlayo Maalgashiga Waddamada Afrika oo ka Furmaya Imaraadka Carabta Gar ahaana Dubia, wuxuu sheegay inuu u baxayo safar kooban oouu ku tegayo Imaaraadka Carabta. “Waxan u Baxayaa Safar yar oo Kooban, waxan ka qayb-galayaa Madal Maalgalineed oo loo qabtay Dalal ka Mid ah Afrikada galbeed. Waxaana ka soo qayb-galaya Siddeed Madaxweyne, waxa kale oo shirkaasi imanaya Maalgaliyaal Caalami ah. Runtii Somaliland waa lagu marti qaaday in ay goob joog ka noqoto, si aynu inaguna uga soo faa’iideysano oo aynu u bandhigno inay Somaliland laftigeedu dawlad tahay, una furan maalgashiga Fursado baddan leh. Madaxweynayaasha Siddeeda ah ee imanaya waxa ka mid ah Madaxweynaha Biniin, Senigaal, IvoryCoast, Maali, Neyjer, iyo Madaxweynaha Toogo.”
Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenku mar uu ka hadlayay cabashada ka soo yeedhay Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal wuxuu yidhi, “Dabcan cabashooyinku waa wax iska jira Mar walba, in ay wax tawdaan dadka Reer Awdalna wax cusub ma ah. Guddidu madaxweynuhu u saarayna waxay soo raadinayaan wixii ay ku cabanayeen Odeyaasha Reer Boorama inay soo xaqiijiyaan si waxa looga qabto cabashadooda.”