GUDDOOMIYAHA XISBIGA WADDANI OO SHEEGAY INAAN XEERKA MADAXWEYNUHU BAARLAMAANKA HOR KEENAY AHAYN KII GUDDIDA DOORASHADU U SOO GUDBISAY, KANA HADLAY ERGO AY HOGAAMIYAYAASHA XISBIYADU MADAXWEYNAHA UGU TAGEEN OO AANU KA SOO WAR CELIN.

GUDDOOMIYAHA XISBIGA WADDANI OO SHEEGAY INAAN XEERKA MADAXWEYNUHU BAARLAMAANKA HOR KEENAY AHAYN KII GUDDIDA DOORASHADU U SOO GUDBISAY, KANA HADLAY ERGO AY HOGAAMIYAYAASHA XISBIYADU MADAXWEYNAHA UGU TAGEEN OO AANU KA SOO WAR CELIN.

IROS

Hargeysa(Salaanmedia.com):-Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa ka hadlay sida ay u socdaan hawlaha doorashooyinka ee dalku.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid oo ka hadlayey munaasibad xisbigiisu ku soo dhawaynayey xubno ku soo biirayey ayaa waxa uu sheegay in xeerka golaha wakiiladu horyaala aanu ahayn kii ay ku heshiiyeen xisbiyada qaranka, guddida doorashooyinku iyo wasaarada arimaha guduhu.
Ugu horayn gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlaya wakhtigii ay bilaabeen ayaa waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan shacabka fahamsiiyo diwaan gelinaha lays dhinac wada iyo raadka ay ku leeyihiin doorashooyinka, maadama aynu filayno in sanadka 2015-ka waxa guddida doorashooyinka, asxaabta qaranka, wasaarada arimaha gudaha iyo akadamigu ay bilaabeen bishii shanaad in
laga hadlo arimaha diwaan gelinta iyo doorashooyinka, waxaana laysla qaatay in dalku u baahan yahay laba diwaan gelinood midi waxa weeyaan diwaan gelinta muwaadiniintaas iyada oo tijaabooyin badan oo dalal kale laga sameeyey waxa lagu xaqiijiyey inay diwaan gelintaasi u baahan tahay ugu yaraan afar sanadoo ilaa toban sanadood, sidaas darteed waxa la go,aansaday oo kale in diwaan gelintii codbixiyayaasha la garab wado oo aan laysku dabrin, go,aankaasina waxa uu ahaa mid la wada qaatay oo qaranku siduu u dhan yahay wada qaatay.” Ayuu yidhi gudoomiye cirro
Gudoomiyaha xisbiga Waddani oo ka sii hadlaya sidii ay hawlaha doorashooyinka u wadeen ayaa intaas raaciyey “Bishii todobaad ee sanadkii 2013 waxa xafiiska wasiirka arimaha gudaha lagu saxeexay in lagu heshiiyey in labadaas diwaan gelinood qaranku u baahan yahay oo laysla qabto oo ay kala madax banaanadaan, heshiiskaas waxa loo gudbiyey deeq bixiyayaasha waxaana laga codsaday inay naga taageeran wixii lagu heshiiyey, waxaanay ku soo jawaabeen in loo cadeeyo cida kala qabanaysa labada diwaan gelinood, waxaanan mar kale saxeexnay in diwaan gelinta muwaadiniinta ay masuul ka tahay wasaarada arimaha guduhu, diwaan gelinta codbixiyayaashana ay masuul ka yihiin guddida doorashooyinka qaranka, waxaana 17-kii bishii 11aad waxa uu madaxweynuhu somaliland si uu u laab qaboojiyo xisbiyada , qaranka iyo deeq bixiyayaasha uu waraaq nuxurkeedu ahaa kala madax banaanida labada diwaan gelinood iyo ogolaanshaha heshiiska la wada gaadhay waxa uu u gudbiyey deeq bixiyayaasha iyo asxaabta qaranka,”

Sidoo kale gudoomiye cirro waxa uu sheegay in diwaan gelinta codbixiyayaasha ee la doonayo in la sameeyo ay ka duwan tahay diwaan gelintii hore taasina ay keentay in xeerka diwaan gelinta dib loogu noqdo waxaanu yidhi “Diwaan gelinta cusub ee aynu doonayno inaynu samayno waxa ku soo kordhay hal arin, diwaan gelintii hore waxa layska qaadayey faraha oo kaliya laakiin diwaan gelintan cusub ee la samaynayo waxa ku soo kordhay in indhahana layska qaadayo xeerkii diwaan gelintuna waxa uu u baahday farsamo ahaan in lagu ansixiyo in dadkana indhaha laga qaado isbadal koobana wuu ahaa, guddida doorashooyinka qarankuna isbadalkaas kooban waxayu gudbiyeen madaxweynaha somaliland.”
Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu sheegay inaan madaxweynuhu u soo gudbin golaha wakiilada xeerkii diwaan gelinta ay u soo gudbiyeen guddida doorashooyinka qaranku waxaanu yidhi “Waxa la yaab noqotay in madaxweynuhu 19/08/2014 uu golaha wakiilada u soo gudbiyey xeer magac cusub wata oo la yidhaa kaabista xeerka diwaan gelinta muwaadiniinta iyo codbixiyaasha oo wata lanbarka xeerkii hore, xukuumada somaliland hore golaha wakiilada ugumay soo gudbin xeer la yidhaa xeerka diwaan gelinta muwaadiniinta markaa xeer hore oo dhaqan gal ah ka yaalay arintaas muu jirin, xeer aan jirina kaabis laguma samayn karo, arintaasna markii ay xisbiyada qaranku ka waraysteen tashadeen guddida doorashooyinka qaranka waxay u cadeeyeen.”
Gudoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu sheegay haddii xeerka madaxweynuhu soo gudbiiyey sidaas lagu ansixiyo aanay qabsoomayn diwaan gelinta codbixiyayaasha iyo doorashooyinkuba waxaanu ydihi “xeerka madaxweynuhu u soo gudbiyey golaha wakiilada inaanu ahayn kii ay iyagu( guddida doorashooyinku) u gudbiyeen
2. xeerku sida uu yahay haddii lagu ansixiyo inaan diwaan gelinta codbixiyayaashu qabsoomi Karin taasi waxay carqalad ku tahay qabsoomida diwaan gelinta codbixiyayaasha, waxaanay hor istaagaysaa qabsoomida doorashada, inaga oo dhaqanka somaliland eegayna ee wada tashiga,isu xilqaanka iyo wada hadalka labada gudoomiye ee labada xisbi mucaarid waxaanu ergo ugu tagnay madaxweynaha somaliland oo aanu u xusnay inuu qaranku ku heshiiyey kala madaxbanaanaanta labada diwaan gelinood iyo inaanay is dabrin, wax jawaab ah oo ergadaas aanu ugu tagnay madaxweynaha nagaga soo noqotay ma jirto.”
Ugu danbayntiina gudoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu talo ku soo jeediyey in loo baahan yahay in dib loo soo celiyo wada shaqayntii ka dhaxaysay hay’addaha ay doorashadu khusayso waxaanu yidhi “Waxaanan u soo jeedinaynaa xukuumada inay soo celiso wada shaqayntii hay’addaha qaranka gaar ahaan
kuwa ay khusayso arinta doorashadu, lana soo celiyo kala madax banaanaanta diwaan gelinta muwaadiniinta iyo codbixiyayaasha si ay doorashadu u qabsoonto wakhtigii loogu tala galay, waxaanan halkan ka cadaynayaa inaanu xisbi ahaan ku dedaalayno in arintaas wada hadal lagu dhameeyo laakiin aanaan marna aqbalayn carqalad la sii wado oo arintaas ku saabsan si uu dib u dhac ugu yimaado doorashada.” Ayuu yidhi gudoomiye cirro