Guddoomiye Ku-xigeenkii Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha SOLJA Iyo Laba Xubnood Oo Is-Casilay

Guddoomiye Ku-xigeenkii Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha SOLJA Iyo Laba Xubnood Oo Is-Casilay

SOLJA

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Guddoomiye Ku-xigeenkii Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Najax Aadan Cunaaye, Cabdifataax Maxamuud Caydiid iyo Aadan Cabdi Ciidle ayaa ku dhawaaqay in ay iska casileen Xubinimadii guddida qaban-qaabada, ka dib markii sida ay sheegeen ay xubno guddida ka mid ahi ka leexdeen Dastuurkii iyo nidaamkii lagu soo xulayay ergooyinka Ururka SOLJA.
Xubnahan oo is-casilaadooda u gudbiyay Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ku xigeenkiisa iyo xoghayaha guud ayaa daaha ka fayday in xubno iyaga ka mid ahaa ay dano gaar ah ka horeysiiyeen tii suxiyiinta ururka SOLJA.

Waxa ay ku doodayaan in qaabka ay ergadu ku imanayso ay u wareejiyeen xarumaha warbaahinta isla markaana ay dalaw dheer ka rideen xuquuqdii saxafiyiinta Madaxa banaan iyo waliba mihnedleyaasha.
Sidaasna waxa ay ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen, kaas oo uu nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Hayaannews.com, waxaanu u dhignaa sidan “Waxa aanu maanta oo ay taariikhdu Tahay September 13 2014 aanu iska casilnay Xubinimadii guddida qaban-qaabada shirweynaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.
Runtii sida magaca ku cad ururka SOLJA waxa iska leh oo ku midaysan saxafayiinta Somaliland ee meel kasta oo ay joogaan, ergaduna waxa ay ka imanaysaa uun iyaga, laakiin xubno han ka fog ka guddida qaban qaabada ayaa marin habaabiyay, waxaanay u leexiyeen oo ay xuquuqdii suxufiyiinta madaxa banaan u leexiyeen dhinaca xarumaha warbaahinta.Waxa aanu maanta laga bilaabo u cadaynaynaa cidii ay khusaysay hawshii baaxada lahayd ee aanu haynay in aanu iska casilnay” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkaas.