Gudida Talo iyo Tafiiq Ee Beelaha Habar-yoonis Oo Qaadacay Liiska Goobaha Diiwaangelinta Madaniga

Gudida Talo iyo Tafiiq Ee Beelaha Habar-yoonis Oo Qaadacay Liiska Goobaha Diiwaangelinta Madaniga

TOT

Burco(Salaanmedia.com) Guddida Talo Iyo Tawfiiq Ee Beelaha HY Ayaa War murtiyeed ay soo saareen waxay ku sheegeen inay qaaddeceen Kuna Tilmaamay Xaalad Abuur Liiska Goobaha Diiwaangelinta Madaniga ah ee ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland

waxana Warmutiyeedkaasi u dhignaa sidan
War Murtiyeed
Gudida HY ee Talo iyo Tawfiiq ka dib markii ay heshay liiska goobaha diwaangelinta muwaadinka waxay go’aamisay inaan deegaanka ay degto beesha HY oo ay ka mid yihiin gobalada MAROODI-JEEX, TOGDHEER , SAAXIL, SOOL, IYO SANAAG aanay aqbali doonin in ay ka qabsoonto diwaangalin ku salaysan liiska ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha.

Liiskan oo u mooqda mid si badheedh loogu kala badsaday goobaha diwangelinta madaniga oo beelaha Somaliland dega loona kala sed buriyay.

Liiskani waxa uu meesha ka sarayaa dad muwaadiniin ah oo xaq u lahaaa in ay helaan goobo ay iska diwaan geliyaan oon aan hadda loogu talo gelin, waxaanu bilaw u yahay saami qaybsi cusub oo la damacsanyahay in lagu jideeyo gobalada.

Waxaa muuqata in diwaangelintan madaniga ay xukuumadu rabto inay ku carqaldayso tii codbixiyaha sidaa darteedna aanay muwaadiniintu u helin Jaanis isku mid ah doorashada iyo muwaadinnimada toona.

liiskan goobaha waxa ka soo shaqaysay cid aan dalka iyo dadka midna u tudhayn oo xaalad abuur ah isla markaana raadinaysa in shaqaaqo ka abuuranto dalka oo xasilooni darro ku soo korodha Somaliland.

Gudida Talo iyo Tawfiiq waxay ugu baaqaysaa Madaxdhaqameedka Somaliland , Waxgaradka, Aqoonyahanada , Siyaasiyiinta madaxa banaan, iyo Axsaabta qaranka in laga hortago xasilooni darro ka abuuranta caadalad darrada ka dhexmuuqata liiskan goobaha diwaangelinta madainga ah.

Gudida Talo iyo Tawfiiq waxay u soo jeedinaysaa wasiirka arrimaha gudaha in uu kula noqdo liiskan cidii u soo xambaarisay kana dhaadhiciyo in aan diwaagalin ka qabsoomaysaa jirin deegaanada HY inta xaaladu sidaas tahay. Haddi xukuumadu isku daydo inay sidaa wax ku wado, waxay masuul ka noqon doontaa foolxumada ka timaadda cadaalad darradaas.

ILAAHAY BAA MAHAD LEH
Fadhiga guud ee Gudida Talo iyo Tawfiiq: Burco