Gudomiyaha Baarlamanka Puntland Oo Maxkamad Ka Dacweeyay Taliyaha Madaxtoyadda

Gudomiyaha Baarlamanka Puntland Oo Maxkamad Ka Dacweeyay Taliyaha Madaxtoyadda

PUNTLAND

Garoowe(Salaanmedia.com)Gudoomiyaha Baarlamanka maamulka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa dacwad ka dhan ah Taliyaha ciidanka Madaxtooyada gaarsiiyey Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ka dib markii uu eedeyn ugu soo jeediyey inuu masuul ka ahaa Korneel C.rashiid Qodob handadaadii Afhayeenka Baarlamanka iyo Qaar ka mid ah Xildhibaanadu la kulmeen maalmo ka hor.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la gaarsiiyey subaxnimadii horre ee shalay Maxkamada gal dacwadeed ka yimid Afhayeenka Baarlamanka Puntland islamarkaana la doonayo in loogu kala garqaado dacwada u dhaxaysa Baarlamanka iyo Sarkaalka ugu sareeya ciidanka Madaxtooyada.
Dacwada ka dhanka ah Taliyaha Madaxtooyada Puntland ayaa kusoo beegmaysa xilli maalmo ka hor sida la sheegey uu kala kulmay handadaad Siciid Xasan Shire Afhayeenka Baarlamanka iyo Qaar ka mid ah Gollihiisa Xillibaanada ilaalo ka tirsan Madaxtooyada .
Sidoo kale waxay imaanaysaa dacwada Maxkamada la gaarsiiyey xilli uu raali galin ka siiyey Madaxweyne Gaas Baarlamanka iyo Masuuliyiintooda dhacdadii ay kala kulmeen ciidanka .