Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Oo Dhambaal Tacsi ah Udiraya Dhamaanba Ciidamada Booliska Somaliland iyo Shacbiga

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Oo Dhambaal Tacsi ah Udiraya Dhamaanba Ciidamada Booliska Somaliland iyo Shacbiga

cir

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro),ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland isagoo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani iyo Magaca Golaha Wakiilada Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u direy qoyskii eheladii,qaraabadii iyo guud ahaanba Ciidanka Booliska Somaliland isagoo ka tacsiyeynaya geerida naxdinta laheyd ee ku timid Taliyihii Saldhiga Ciidanka Booliska Degmada Arabsiyo,Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-case) oo u geeriyooday toogasho uu u geystay askari ka mida ciidamadii uu xukumayey.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani islamarkaana ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Ciro oo dhambaalkan tacsida ah soo gaadhsiiyay Shabakada Wararka hadhwanaagnews waxa uu sheegay in Ciidamada Booliska Somaliland iyo dham,aanba

Ciidamada Qaranka Somaliland ay u taagan yihiin difaaca dalka iyo adkeynta Amniga dalka,sidaa daraadeedna ay mar walba mudan yihiin in la qiimeeyo,oo aan doorkooda la halmaamin islamarkaana, uu ka xun yahey geerida naxdinta leh ee ku timid Taliyihii Ciidanka Booliska Degmada Arabsiyo,waxaanu ilaahay uga baryayaa in uu janadii fardowsa ka waraabiyo Qoyskiisii qaraabadiisii ehelkiisii,dhamaan Ciidamada Booliska Somaliland iyo Guud ahaanba Shacbiga Reer Somalilandna Samir iyo iimaan ilaahay ka siiyo,waxaanu Gudoomiyihu hoosta ka xariiqey in ay fiican tahey in gacan ku dhiiglihii dilay sarkaalkaasi gacanta lagu hayo,waxaanu Xukuumada ka dalbay in Aas Qaran loo sameeyo Marxuumka. Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),ayaa sidoo kale dhawaan dhinaciisa dhamabaalkan tacsida ah mid lamid ah u diray Labadii sarkaal ee katirsanaa Ciidamada Qaranka Somaliland,ee lagu dilay Tuulada Qorilugud