Gudoomiye Ciro Oo Libaax Dowriya Soo Dabeyshadey Ku Noqdey Kuxigeenkiisa Koowaad iyo Xubnaha Muxaafidka iyo Xeerka Diiwaangalinta Madaniga ah Oo Loo Hakiyay Komishanka

Gudoomiye Ciro Oo Libaax Dowriya Soo Dabeyshadey Ku Noqdey Kuxigeenkiisa Koowaad iyo Xubnaha Muxaafidka iyo Xeerka Diiwaangalinta Madaniga ah Oo Loo Hakiyay Komishanka

cir

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa, waxa lagu furey iyadoo aan kooramku buuxin waxaana goob joog ka ahaa labada Gudoomiye Kuxigeen ee Shirgudoonka Golaha Kuxigeenka Koowaad iyo Kuxigeenka labaad Baashe Maxamed Faarax,iyo Dr Cali Yuusuf,iyadoo fadhigan lagu bilaabay dood uu soo bandhigay Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ku sahabsaneyd diiwaangalinta madaniga ah ee Muranka badani ka taagan yahey. Kadib markii Xildhibaan Bashiir Tukaale ka hor akhriyay nuqulka Doodaasi,Golaha Hortiisa isagoo hoos u akhriyay ajandaha Diiwaangalinta Madaniga ah islamarkaana, ku khatimay sexeexa Magaciisa Xoghayaha Gudida Arimaha Gudaha iyo Difaaca Xildhibaan Bashiir, iyadoo lagu guda jiro doodan in cod loo qaado waxa si kadis ah usoo galey Madasha Kalfadhiga Golaha Gudoomiyaha Golaha Wakiilada islamarkaana, ah Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),oo kasoo dabeyshadey Magaalada Dubai ee xarunta Dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo uu maalmihii u dambeeyay ugu maqnaa in uu kaga qeyb galo Shir loo qabanayay dalalka afrikaanka ah,Waxaanu Gudoomiye Ciro marka la qiyaaso dareenada jawigaasi ku xeernaa soo galitaankiisa Xarunta Baarlamaanku ku noqotey afkala qaad Kuxigeenkiisa Koowaad Baashe Maxamed Faarax, iyo Xubno katirsan Xildhibaanada Xisbi Xaakimka Xisbiga Kulmiye ugu jira Golaha Wakiilada,oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Siciid Afweyne,Xildhibaan Bukhaari,Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere,Xildhibaan Waabeeyo,Xildhibaan Nacnac,Xildhibaan Cali Mareexaan iyo Xubno kale kuwaas oo u muuqdey in uu ka ribadey Mashruuc ay dabada ka riixayeen si loo meel mariyo Xeerka Diiwaangalinta Madaniga ah ee ay Kusoo mustafeeyeen Xoghayaha Gudida Arimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Bashiir Tukaale oo kamid ah Xubnaha Mucaaridka ah ee kujira Golaha Wakiilada.

Intaa kadib Maxaa Dhacey.
Waxa madasha ka kacey Gudoomiyaha Gudida Arimaha Gudaha iyo Difaaca Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo mimbarka Mudanayaashu ka hadlaan kaga dhawaaqey in aanu xaq u laheyn Kuxigeenkiisu xeer aanu la ogeyn in uu Golaha keeno, islamarkaana, isagoo goob joog ah aanu Golaha hor keeni Karin Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale,hadalkaa kadibna markii waxoogaa buuq ahi dhacey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro), oo wakhtigaa qadar yar Gudoominayay Fadhiga ayaa ku dhawaaqey in Xeerkani Golaha hor ooli doono loona dalbi doono Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka si wax looga weydiiyo sidaa daraadeedna uu Shirku Xidhan yahey,waana talaabadan ta ay siweyn maroora dilaaceen Xubnaha Xisbi Xaakimka Kulmiye ugu jira Golaha, oo saaka usoo kalahey in ay u gacan taagaan meel marinta Xeerkan Diiwaangalinta madaniga ah.