Haday Qawaaniintaasi Idin Siiso Inaad Ilaa Biyatooniga Ila shaqeeya Inaad u Yeedhaan Diyaar Ayaan U Ahay, haddii Ay Idiinsiin Waydana….”

Haday Qawaaniintaasi Idin Siiso Inaad Ilaa Biyatooniga Ila shaqeeya Inaad u Yeedhaan Diyaar Ayaan U Ahay, haddii Ay Idiinsiin Waydana….”

WARANKOW

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Cali Waran Cadde, ayay xildhibaanada Golaha Wakiiladu su’aalo dhinacyo badan taabanaya ku waydiiyeen fadhigii Maanta oo horyimi Golaha.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye isla markaana aad u dhaliila xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo ayaa wasiirka arimaha gudaha Somaliland wax ka waydiiyey amar la sheegay inay xukuumadu ku soo rogtay maayarada dalka ,kuwaas oo ay kaga hor istaagtay inay hor tagaan guddida daba galka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada ayaa waxa uu wasiirka arimaha gudaha Somaliland ku jawaabay sidan “Awoodo ayaynu kala leenahay waxaanan soo dhawaynayaa in la tixgeliyo awooda baarlamaanka isla markaana waxaan idinka codsanayaa in la tix geliyo awoodayda iyo awooda dawlada, waxa jira nidaam badan, qawaaniin badan oo aynu ku kala hagano, haday qawaaniintaasi idin siiso inaad ilaa biyatooniga ila shaqeeya inaad u yeedhaan diyaar ayaan u ahay haddii ay idiinsiin waydana dee gacan tuugaalada iga daaya, markaa waynu isla eegaynaa haddii aad xaq u yeelataan xaq ayaad u leedihiin haddii aan xaq u yeesho inaad aniga wax u waydiisaana waynu arki, waayo aniga ayaa masuuliyiinta haya oo haday wax xumeeyaan iyo haday wax wanaajiyaan aniga ayaa laygala xisaabtamayaa.”Ayuu yidhi wasiir Cali Waran Cade.

Wasiirka arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Haddii ay sharciga ku jirto inaad ilaa xadkaas socon kartaan waa diyaar haddiise aanay ahayn oo awoodu inoo kala xadaysan tahay waxaan jecelahay inay qolo waliba inteeda ku eekaato.” Ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha somaliland