Imika Haddaad Furto Tv-ga Dawladda Iyo Radio Hargeysa Annaga Uun Baa Nalaga Caayaa Ee Shaqo Kale Ma Qabtaan…….” Madaxweyne Siilaanyo Wakhtigii Mucaaridka Uu Ahaa

Imika Haddaad Furto Tv-ga Dawladda Iyo Radio Hargeysa Annaga Uun Baa Nalaga Caayaa Ee Shaqo Kale Ma Qabtaan…….” Madaxweyne Siilaanyo Wakhtigii Mucaaridka Uu Ahaa

ziilaanyo

Hargaysa (salaanmedia.com)- Madaxweyne Axmed Siilaanyo halgankii dheeraa ee uu u soo maray hanashada kursiga, wuxuu sababay in laga reebo kayd badan oo qayb ka ahaa ololihiisii, isbedelkuna waa mid la socda waqtiga oo la jaan qaadaya subaxba waageeda. Sidaa daraadeed, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waslad yar oo ka mid ahayd doodihii uu ku muujinayay isbedelka uu samayn doono. Tani waa garoocasho aan buurnayn oo uu ku dhaliilayo xukuumaddii Daahir Rayaale siday ugu isticmaalaysay warbaahinta dawladda mucaaridka, baananka, xorriyada warbaahinta, gaar ahaan idaacadaha iyo qodobo kale. Madaxweyne Siilaanyo oo markaa ahaa gudoomiyaha Kulmiye wuxuu yidhi;
“Baananka maanta Somaliland ka Jiraa waa kuwii Siyaad Barre isticmaali Jiray, Xamar bay Jiri Jireen waa Kii qaranka iyo kii Ganacsiga. Waxa ay labaduba Fashilmeen (Failed) Waqtigii Siyaad Barre Joogay. Ashkhaastii berigaa ka shaqayn jirtay ayaa Immikana ka shaqeeya, waxa qudha ee ay u furan yihiina waa Musuqmaasuq (Corruption). Waan hubaa intiina halkan joogtaa inaan qofkiina lacag dhigan, weli lacag ma mariseen [Baanka Dawladda]?, U malayn maayo Inaad halkaas weli Lacag Mariseen ama dhigateen, ha ii sheego qofka dhigtay. Waayo budh bay la hor taagan yihiin [dawladdu] oo waxa ay leeyihiin baan kale oo la furayaa ma jiro, waayo waxa ay ka adag yihiin Musuqmaasuqa dalka, hadda distoorkeenuna wuu tilmaamayaa.

Mar alla marka doorasho soo dhawaato waxaa la soo daabacaa lacag hor leh oo nawaadh ciiddaas ka badan bay soo daabacaan, lacagtaas cusub yaa isticmaala?. Lacagtaas Cusub dawladda ayaa isticmaasha, Intii dalkaasi jiray sanad aan lacag cusub lasoo daabicin ma jiro, marka la soo daabacayana waxaa la yidhaahdaa Burco ayaa Giimbaartii lagaga beddelayaa. Waxaad ogtihin oo kale Cashuuro hor leh oo la soo saaray oo dadweynaha la saaray, waxaa loogu talo galay in Gobolka Sool lagu horumariyo, wax alla wax lagaga beddelayna ma jiro.
Annagu waxaanu Dhiiri-gelinaynaa ganacsiga xorta ah, waxaanu furaynaa Baananka, waxaanu furaynaa Idaacadaha iyo TV-yada oo Xeer Loo samaynayo, oo dee kan qudha ee dawladdu leedahay immika shaqo kale ma qabto ee annaga uun baa nalaga caayaa oo haddaad TV-ga dawladda Furato iyo Radio Hargeysa shaqo kaleba ma laha, qaran baa-na lagu sheegayaa…”