Isbaahaysiga Dhalinyaradda Somaliland Ee UDUBSOOR Oo Qaadacay Diwaangelinta Madaniga Ah

Isbaahaysiga Dhalinyaradda Somaliland Ee UDUBSOOR Oo Qaadacay Diwaangelinta Madaniga Ah

NEWS N

Hargeysa(Salaanmedia.com)War Saxafadeed Isbaahaysiga Dhalinyaradda Somalilane Ee UDUBSOOR Oo Qaadacay Diwaangelinta Madaniga Ah .

Isbahaysiga UDUBSOOR oo ay ku jiraan dhallinyaro reer Somaliland oo u taagan horumarinta dadka iyo dalka Somaliland waxa uu si buuxda u qaaddacayaa natiijada been-abuurka ah ee ka soo baxday shirar kala geddisan oo uu Madaxweynuhu la yeeshay 17kii Sebtember 2014ka wax loogu yeedhay “ururrada bulshada” iyo “bahda waxbarashada” oo salkiisu ahaa in ay door ka qaataan wacyigelin lagu sameeyo diiwaan-gelinta madaniga ah ee ay Xukuumaddu rabto in ay dib ugu dhigto doorashooyinka qorshaysan 26ka Juun sannadka 2015ka haddii Alle idmo.
Waxa aanu leennahay mar haddii ay kulankaas ka maqnaayeen Naadiga Qalin-leyda iyo Hal-abuurka Somali Pen qaybtooda Somaliland iyo Golaha Macallimiinta Qaranka oo labaduba ka mid ah halbawleyaasha iyo ururrada ka shaqeeya waxbarashada, taariikhda, suugaanta, horumarinta iyo danta guud ma aha mid ku fadhiya xaqiiqo iyo xaajo iyo loo dhan yahay.
Ugu dambayntii,
Isbahaysiga UDUBSOOR waxa uu ugu baaqayaa Madaxweynaha Somaliland, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo guud ahaan Golaha Xukuumaddu in ay iska casilaan xilka qaran ee ay ku fashilmeen afartii sanno ee ay xilka hayeen.
Isbahaysiga UDUBSOOR waxa uu taageero buuxda la barbar taagan yahay Xisbiyada UCID, WADDANI iyo Madasha Toosinta iyo Talada Qaranka
Isbahaygsiga UDUBSOOR waxa uu bogaadinayaa bulsooyinka qaaddacay dhoobada uu walaaqanayo Cali Maxamed Warancadde, oo ahaa ninkii godka ku riday rejadii Xisbiga UDUB
Isbahaysiga UDUBSOOR waxa uu cambaarayn xooggan guudka u saarayaa madax-dhaqameedka iyo odayaasha la saftay xukuumadda Siilaanyo. Waxa uu leeyahay “Billee la noolaadaa?. Dawladaha dhalan doonana weji u dhigta”
Isbahaysiga UDUBSOOR waxa uu eedayn xooggan u jeedinayaa Sirdoonka Gobolka Maroodijeex iyo Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland oo caddayn u samayn waayay xadhig ay kula kaceen Mujaahid Siciid Maxamuud Gahayr oo ah qoraa, hal-abuur, macallin iyo siyaasi dhallinyaro ah. “Siciid haddii aad garan weydeen, waa ninka soo saaray diiwaannada Quraanka iyo Sayniska, Culuumta Maansada iyo Samo-talis. Ma geyo xadhig iyo xumaan”
Isbahaysiga UDUBSOOR waxa uu bogaadinayaa Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo aanu u aqoonsannahay Qoraaga Qarniga, aabbaha qalin-maalka Somaliland, madxafka ugu weyn ee Sooyaalka dalka iyo geesi uu ka il-duufay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Allaa mahad leh
Siciid Maxamuud Gahayr (Maroodijeex)
Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Daadmadheedh)
Khadar Gaaxnuug Koosaar (Togdheer)
Saleebaan Siciid Jaamac (Maroodijeex)
Cabdiraxmaan Muuse Cismaan (Sanaag)
Cabdillaahi Muxumed Jaamac (Gebiley)
Cabdiqani Ibraahin Cige (Saaxil)
Cabdi Jaamac Ismaaciil (Hawd)