Jaad/Qaad Loo Dhoofinayay Yurub Oo Lagu Qabtay Madaaradda Somaliland Iyo Digniin Wasaarada Duulistu U Dirayso Dhoofayaasha

Jaad/Qaad Loo Dhoofinayay Yurub Oo Lagu Qabtay Madaaradda Somaliland Iyo Digniin Wasaarada Duulistu U Dirayso Dhoofayaasha

JAADos

Hargeys, (Salaanmedia.com)-Wasaaradda Duulista iyo hawada Somaliland, ayaa sheegtay inay Madaarada dalka ku qabatay Qaad Ganacsi oo si sharci daro ah loogu dhoofinayay wadamada Yurub. Qaadka waxaa sitay sida Wasaaraddu sheegtay dad u dhoofayay wadamo ay ka soo xagaa baxeen.
“Hawlwadeennada Ammaanka ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal waxay toddobaadyadii ugu dambeeyay qabteen Qaad sifo ganacsi oo sharci darro ah la isugu dayay in dalka lagaga dhoofiyo, loona waday qaar ka mid ah waddammada Yurub sida Ingiriiska, Iswiidhan, Noorway, iyo Denmark. Qaadka waxa sitay qaar ka mid ah rakaabkii dhoofayay, si ay qarsoodi ugu galiyaan waddammadaas”. Sidaa waxa lagu yidhi, War saxaafadeed ka soo baxay Waaxda Warfaafinta ee Wasaaradda Duulista.

War saxaafadeedka waxa kale oo lagu sheegay, madaarada dalka inay mamnuuc ka yihiin dhoofinta Qaadku. “Waxaanu uga digaynaa dadweynaha rakaabka ah inay ku kacaan falal lid ku ah shuruucda dalalka ay u dhoofayaan iyo ka ay ka dhoofayaan, taas oo saamayn ku yeelan karta socdaalkooda, dhinaca kalena sumcad xumo ku keeni karta Madaarrada dalkeena.”,ayaa yidhi war saxaafadeedkaa wasaaradu soo saartay.