JAHLIYADA SSUK EE WADANKA UK OO XALAY KULAN CASHO OO AAY KU SII SOGOOTIYAYAN U SAMEEYEY Badhasaabka gobolka Gabiley, Mustafe Cabdi ciise ” Shiine “.

imageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageimageCasho sharaftaasi oo ay soo abaabuleen JAHLIYADA SSUK ay saaxiibo aheeyeen gydoomiye Shiine waxa kala soo qaybgalay marti sharaf tiro badan ee qaranka JSL.
Sidoo kale waxa Kulankaasi kala soo qaybgalay dhalin kale oo ka socotay barbaarta Table 7 ee galbeedka London, oo goobta as I ka hadlay ayaa u soo jeediyay mahadcelin iyo bogaadin SSUK oo soo abaabushay kulanka isagoo ku booriyay in ay dhalinta Mar kasta ka fikirto sidii ay dalkoodii wax ula qaban lahaa teen.
Gudoimiyaha Gabiley Mustafe Shiine oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay sida ay madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uga goantahay in uu dhalinyarada ka qaybgeliyo siyaasada dalka, isagoo Badhasaabku intaa uu raaciyay in maanta ay dayartii dalku ka muuqadaan dhamaan mansabyada dalka, haddii ay tahay min heer wasiir ilaa Badhasaabo iyo Agaasimayaal.
Gudoomiyuhu waxa kale oo uu ka waramay horumarka dalka ka socda.
Dhinaca kale waxa Mustafe Shiine uu ku guubaabiyay JAHLIYADA SSUK kulanka joogtay inay wax la qabsadaan dalka iyo dadka ay la nool yihiin oo ay wax la wadaagaan si ay marka danbe wax uga taraan qaranimada JSL, isagoo JAHLIYADA SSUK. ku amaanay geesinimada iyo dedaalla ay la IMADEN
Waxana uu reer UK gaar ahaan jaaliyada SSUK ka dalbaday inay taageeraan oo ay u codeeyaan si ay uga gaadho mustaqbalka siyaasada UK meel sare.
GUUDOOMIYAH SSUK oo isaguna goobta ka hadashay ayaa ka warantay in SSUK uu diyaarinaayo in Somalilamd kala shaqeeyo sidii dhalinyarada waxbaratay ay dalkii wax ugu Celin lahaayeen, iyaguna ay ugu yaraan wax uga soo korodhsan lahaayeen.