Ka Ganacsiga Fooxa Oo Ku Arooraya Muddo Ku Siman Shan Kun Oo Sannadood + Taariikhda Fooxa/Maydiga Iyo Dariiqyadu Mari Jiray Kala Iibsigiisu (Daawo Video).

London(Salaanmedia.com) – Geedka Fooxa ama Maydigu waxa uu saamayn iyo raadayn fara badan ku leeyahay dhamaan goobaha lgu caabudo diimaha samaawiga ah, innaga bulshadeena afka Somaliga ku hadashana dhaqankeena iyo goobaha ay diinteena ku caabudnaba door shariif ah ayuu ku leeyahay.

http://www.youtube.com/watch?v=KHc9bKzaw-s&hd=1

Geedkan Fooxu waxa uu ka baxaa dhulka kasii rogan iyo ka kasoo rogan badda cas ee isku xidha jasiiradda carabta iyo qaarada Afrika, marka la eego deggaanada Somalida waxa uu ugu faro badan yahay silsilada buuralayda goliska ee ku dhereran ee dalka Somaliland iyo qadar kamida maamul goboleedka Puntland. Waxa kale oo foox aan tayadiisu wanaagsaneyn uu ka baxaa dhulka ciida ah ee degaanka Somalida Itoobiya.
Haddaba, waxa aanu akhristeyaasha shabakadda ramaasnews halkan hoose ugu soo gudbineynaa filim dokumentaar ah oo lagu lafagurayo geedka fooxa saamayntiisa, taariikhdiisa iyo hababkii uu soo maray ka ganacsigiisuiyo weliba degaamada bulshada bulshada udub-dhexaadka u ah soo gurista iyo ka ganacsiga geeka Fooxa . Filimkuna waa kan ee daawasho haboon: