Kaambaynkii Xukuumadda Iyo Isbedelkii Xil. Bashiir Tukaale

Kaambaynkii Xukuumadda Iyo Isbedelkii Xil. Bashiir Tukaale

KAANBAYNKII

Hargeysa (Salaanmedia.coml)- Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiiladda Xil. Ibraahin Jaamac Rayte ayaa fadhigii golaha ee shalay hortiisa ka sheegay, in xeerka diiwan gelinta qaab khaldan lagu hor geeyay golaha, iyadoo guddigoodu aanuu ka shaqaynin oo soo axadhin xeerka.
Gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha Md Rayte wuxuu sheegay, in aanay sax ahayn in golaha xeerka la hor keeno isaga oo aan ogayn, isla markaana aanuu gudigoodu ka soo qabanin shaqadii loo baahnaa. Markuu arrintaa ka hadlayayna waxa hadaladiisii ka mid ahaa; ”inqilaab aan dhiig ku daaddan baad moodaa, inuu gudigayga ka dhacay, xeerkan kamaanaan soo shaqayn, khamiistii baanu u balan sanayn, maantana waa sabti jimcaa u dhexeeyay, maan saxeexin, in la soo gudbiyayna maan ogayn, shaqo fara badanina xeerka way u dhiman tahay. Waa xeer sidii uu u shaqayn lahaa ay aad iy aad u kala dhan taalan tahay, waana laba xeer oo laba hay’adood oo kala gaar ahi ay fulinayaan. Si xalaal ahna laguma keenin golaha, ee tahriib baa lagu keenay. Imikana waxaan soo jeedinayaa guddi ha loo saaro, haddaa umadda u shaqaynaysaan, danno kale ciddii wadataa iyaday jirtaa”.

Xil. Bashiir Tukaale oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha ayaa ka hor gudoomiyaha, golaha hortiisa ka sheegay, in gudigoodu golaha u soo gudbiyeen xeerka diiwaan gelinta, isla markaana uu soo jeedinayo in la ansixiyo. Xil Tukaale oo lagu tirin jiray mucaaridka fog ayaa la tilmaamay inuu ka ogolaaday muxaafidka, inuu isagu hor geeyo xeerka gole waynaha si degdeg loogu ansixiyo, kadib markii gudoomiye Rayte uu aqbali waayay inuu xeerka badka geeyo, iyadoo aanuu gudigu sii hufin. Dhinaca kale waxa soo baxayay ka hor kulankii shalay warar tibaaxayay, kaambayn culus oo ay qaadeen muxaafidiinta golaha qaarkood iyo xubno wasiiro ah oo uu ka mid ahaa wasiirka madaxtooyadda, oo u xusul duuban sidii xeerkan sidiisa loogu ansixin lahaa.