Khasaaraha Dagaal Ku Dhexmaray Magaalada Dhahar Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maamulka Soomaaliyeed Ee Puntland

Khasaaraha Dagaal Ku Dhexmaray Magaalada Dhahar Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maamulka Soomaaliyeed Ee Puntland

DHAHAR

Dhahar (Salaanmedia.com)- Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Badhan Caydiid Axmed Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal galabka ka dhacay gudaha magaalada Dhahar, kadib markii Wasiirro ka socda Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay soo gaadheen magaalada Dhahar oo ku taala xaduudka Gobolada bariga Somaliland.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Badhan oo maanta warbaahinta ugu waramayay magaalada Dhahar, wuxuu in ay magaalada Dhahar maanta galinkii dambe ay soo gaadheen Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland iyo laba Wasiir ku-xigeen, kuwaasoo u socday inay magaalada Dhahar ka samayeeyaan maamul dawlad hoose oo cusub, taasina ay sababtay in halkaa dagaal ku dhexmaray ciidanka Qaranka Somaliland iyo ciidanka Puntland ee ay wateen Wasiirada ka socday maamulka Puntland, isla markaana wuxuu sheegay in hal askari oo ka tirsan ciidanka Qaranka kaga geeriyooday dagaalka galabta ka dhacay magaalada Dhahar. “Waxaa magaalada soo galay Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo laba Wasiir kuxigeen oo doonayay in ay magaalada Maamul deegaan oo iyaga ah ka sameeyaan,laakiin taasi umay suura galin oo waxaa dagaal kaga joojiyay wixii ay u socdeen ciidanka Qaranka Somaliland.”ayuu yidhi taliye Caydiid oo khadka tilifoonka ugu warramayay tifaftiraha shabakaga Gudgudenews.com isagoo ku sugan magaalada Dhahar.
Taliyaha oo la waydiiyey Su’aal ahayd khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray ciidamada qaranka iyo ciidamada maamulka Puntland iyo cidda gacanta ku haysa waqti xaadirkan magaalada Dhahar.? wuxuu ku jawaabay “Magaalada waxaa gacanta ku haysa Somaliland oo imikadan aan kula hadlayo waxaan ku suganahay gudaha magaalada Dhahar,qasaaraha dhankooda shimasho iyo dhaawacba wuu jitaa laakin tiro ma sheegi karo,ciidanka Qaranka Somaliland-na hal Askari,ayaa nagaga dhintay dagaalka dibna waanu uga saarnay magaalada wdifaac ahaanna waanu isku filanayhay diyaarna wuu u yahay ciidanku oo imikaba heegan ayaanu ku jirnaa,waxaana dhici karta in ay dib isku soo uruursadaan.”
Dhinaca kale, ee Puntland ayaa wararka Wargeyska Ogaal ka helay maamulka Garoowe ayaa la sheegay inuu dhinacooda dagaalkaa ka soo gaadhay khaasare isugu jira dhaawac iyo dhimasho,isla markaana dad goob joogayaal ah oo ku sugan magaalada dhahar ayaa caawa u xaqiijiyey inay arkayeen dhaawac xabad ku taalo, loona sii sido magaalada Garoowe