Koox Lagasoo Abaabuley Guriga Wasiirka Daakhiliga Oo Hergeysa Weriye Ku Afduubay Ma Arrintaan Sida Loo Sheegayo ahayn Mise Waa Geel Duqdii Durdurisey Aarankiisana Maxaad Mooddey

Koox Lagasoo Abaabuley Guriga Wasiirka Daakhiliga Oo Hergeysa Weriye Ku Afduubay Ma Arrintaan Sida Loo Sheegayo ahayn Mise Waa Geel Duqdii Durdurisey Aarankiisana Maxaad Mooddey

warancadd

Ceerigaabo(Salaanmedia.com) Waxaynu saaka warbaahinta inteeda badan kala kulannay war-subxeedkii innooku yaabka badnaa oo ahaa in Koox Laga soo abaabuley guriga Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde Oo Watey Baabuur xukuumadu leedahay (GT) ay nin weriye ah (C/shakuur Heersare) ka afduubteen Hargeysa gudeheeda iyagoo sabab uga dhigaya maqaal qf ra’yigiisa ku cabbirayey oo la geliyey shebekedda Oodweynenews maqaalkaasoo ahaa mid arrimo la xidhiidha wasiirkan arrimaha gudaha lagaga hadlayey. Arrintaasoo cid kastoo aragtay ama maqashayba amakaagtay.
Runtii saddex arrimoodba waa wax lala yaabo wasiirkana sumcaddiisa iyo sumcadda shaqada uu hayo wax weyn u dhimi kara sidoo kalena berri ka maalin-na tusaale la inoosoo qaato noqon karta.
Tan hore Wasiirkii arrimaha gudaha ee dalka oo dhan ayaa maqaal laga qoray oo ra;yi qofeed ah (Personal Opinion) dhibsaday waa wax lala yaabo.
Tan labaadna Wasiirkii Arrimaha Gudaha ayaa gurigiisa afduub lagasoo abaabuley oo arrintaas awgeed cid lagu qafaashey iyaduna waa wax lala yaabo oo aan cidina sii mala awaali karin ama qiimayn karin saamaynta guud ahaan sumcadda Somaliland iyo tan wasiirkaba ay ku yeelan doonto.
Tan saddexaad haddii arrintani dhab tahay islamarkaasna ragga falkaas ku kacay ehelada wasiirka ama dadka ka ag dhow yihiin iyaduna waa lama arag iyo lama maqal hor leh.
Haddaba falkani haddii uu sidaas u dhacay Wasiir Warancadde wuxu Ibaaxeeyey in Hargeysa gudeheeda cid laga afduubi karo wuxuna oggolaansho siiyey inaan afduubku denbi ahayn cid afduub samaysayna aanay denbiile noqon doonin waxayna arrintaasi u muuqataa maahmaadii ahayd Geel Duqdii Durdurisey Aarankiisana Maxaad Mooddey.
Haddiise aan arrintu sidaas ahayn waa in uu ka hadlo sharcigana hor keeno ciddii afduubkaas ku kacday isaguna eedda iska reebo.