Kooxaha Islaamiyiinta Ah Ee ISIS Oo Laga Qabsaday Magaalada Suleyman Beek Ee Dalka Ciraaq

Kooxaha Islaamiyiinta Ah Ee ISIS Oo Laga Qabsaday Magaalada Suleyman Beek Ee Dalka Ciraaq

ISISI

London(Salaanmedia.com) Isbaheysiga ciidamada Ciraaq iyo Kurdida ayaa markii ugu horeysay la wareegay magaalada Suleymaan Beek oo ku taal waqooyiga dalkaasi Ciraaq.
Magaaladan oo dhinaca koonfur ka xigta magaalada Kirkuk ayaa waxaa muddo sadex bilood ah gacanta ku hayey xoogaga Daacish ama IS.
Dowladaha caalama qaarkood ayaa wada taageero hub oo ay siinayaan xoogaga kurdida iyo ciidamada Ciraaq si ay u xakameeyaan awooda sii fideysay ee kooxda ISIS (IS).