MA DHABAA IN ? Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Sanaduuq Si Qarsoodi Ah U Gaysay Xaafado Ka Mid Ah Magaalada Hargaysa

Wasaarada Arrimaha Gudaha Oo Sanaduuq Si Qarsoodi Ah U Gaysay Xaafado Ka Mid Ah Magaalada Hargaysa

wasaarada

Hargaysa(Salaanmedia.com)Wasaarada Arrimaha Gudaha somaliland ayaa saaka Sanaduuq ay si qarsoodi ah u qaaday Gaysay Dhamaan Degmooyinka Ay ka Kooban tahay Xaafadaha Magaalada hargaysa. Waxa la sheegayaa in dadkii deegaankaasi ay Ka Soo horjeesteen Diwaan Galinta Ay Xukuumadu Gooraha Habeenka ah La Guuraynayso. Sida ay Warbaahinta Qaar Ka Mid Ah u Xaqiijiyeen ila Lagu kalsoon yahay ayaa waxa ay Tibaaxayaan In degmada Maxamuud Haybe Ay wasaarada arrimaha Gudahu gaysay Saaka Afar Sanduuq,Kaas oo dadkii joogay Dagmada ay ka biyo diideen Afartaas Sanduuq ee Ay wasaarada la dhuumanayso. Waxa ay shegeen in dadka Dagan Xaafadaha ay ka kooban tahay dagmadu in ay ka badan yihiin Afartaas Sanduuq,waxaana ay ku Shegeen in dadkii deegaanka aan cidna laga shaqaalaysiina
ee qaar ay wasaaradu tunka ku sidato Keen Satay. Sida la sheegay Masuuliyiin Ka tirsan Asxaabta mucaaradka ayaa Saaka Makarafoon Saaray gaadhi kuwaas oo shacabka ku Booriyay Inaanay Qaadan Kaadhka Diwaan Galinta ah ee ay Xukuumada La dhuumanayso. Waxa ay shegeen Masuuliyiintani oo Ka gaabsaday Magacood oo kasoo jeeda Asxaabta Mucaaradka in ay Xukuumadu Doonayso in ay Bilawdo Diwaan Galinta oo xeerkii lagu dhiqi Lahaa ay wali Golaha Wakiiladu Hor yaala. Balse Xukuumada Ayaa Sida la sheegay Doonaysa Inta Xeerka Diwaan Galinta intaa la Ansixin in ay bilawdo Diwaan Galinta Madaniga,waxaana laga dhul sugi Doonaa Talaabada ay Qaadaan Asxaabta mucaaradku