“Maayarada Waa La Doortay, Kuma Hoos Yimadaan, Mana Xukumo Wasiirka Arrimaha Guduhu ee…”

“Maayarada Waa La Doortay, Kuma Hoos Yimadaan, Mana Xukumo Wasiirka Arrimaha Guduhu ee…”

RAYTEE

Hargeysa, (Salaanmedia.com)– Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo ka tirsan Golaha WakiiladdaSomaliland, ayaa shalay ka hor sheegay Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde inuunu awood u lahayn inuu maamulo maayirada Degmooyinka dalka, isla markaana wuxuu ugu hanjabay in Golahoodu awood u leeyahay inay cidkasta oo hantida ummadda lunsata ee xil ka haysa Maamulka Axmed Siilaanyo dabagal iyo baadhitaan ku samaynayaan.
Wasiir Cai Waran cade waxa u sida ku sheegay maruu hor-hatagay Golaha Wajuludanayaasha Golaha Wakiilada. “Haddii Golaha Wasiiradda iyo Golaha Baarlamaanku ay gacanta is qabsadaan danta ummaddu way lumaysaa ee shaqo ayaa ka dhacaysa. Golaha Wakiiladu waxa weeye inuu kantaroolo, dabagalo iyo baadhis inuu ku sameeyo mauuliyiinta dawlada waana waa jibkayaga mana aqbalayno inaanu joojino.”

“Maayarada waa la doortay,Ma hoos yimadaan, mana xukumo Wasiirka arrimaha guduhu ee dadka ayaa doortay. Cid lacag dawladeed ku baxday oo aan awood lahayn inay dabagalaan oo ay la xisaab tamaan ma jirto. Haddii Wasaaraddaada, Maayar Degmo, Taliye Boolis, Agaasime iyo dawlada oo dhan tahay cidda awood kasta u leh waa Golaha, cidii shilin umaddu leedahay ku baxdana way la xisaab tamayaan.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Reyte.