Madax-dhaqameed Kasoo Jeeda Deegaanka Gobalka Maroodi Jeex Oo Sheegay In Aanay Deegaanadooda Ka Dhici Doonin Diiwaan galin Lagu Kala Qaybsan Yahay

Madax-dhaqameed Kasoo Jeeda Deegaanka Gobalka Maroodi Jeex Oo Sheegay In Aanay Deegaanadooda Ka Dhici Doonin Diiwaan galin Lagu Kala Qaybsan Yahay

Salaadiinta-somaliland-84

Hargeysa(Salaanmedia.com) Qaar kamid ah Oday dhaqameedka ka soo jeeda deegaanka Gobalka Maroodi-Jeex ayaa si adag uga hadlay diiwaan galinta Madaniga ah ee muddooyinkii danbe muranka Xooga ah dhalisay,waxaana ay sheegeen in aanay aqbali doonin diiwaan galin aanay isku waafaqsanayn Saddexda Xisbi Qaran,Komishanka iyo Xukuumada Somaliland.

Oday dhaqameedkan oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay ka madax-dhaqameed ahaan ay u taagan yihiin Illaalinta iyo ka hortagida waxii nabad galyada dalka khal khal galinaaya,waxaana ay carabka ku dhufteen in aanay marnaba ogalaan doonin in deegaankooda la keeno diiwaan galin aan laysku waafaqsanayn oo abuuri karta khatar amni darro.

Duub Maxamed Faarax Kaahina oo ugu horeyn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ay in ay kaliya ogalaan doonaan oo qudha waxii ay isku waafaqsan yihiin Saddexda Xisbi Qaran,Komishanka iyo Xukuumada Somaliland.

“Magacaygu waa Duub Maxamed Faarax Kaahin,Duubka Qaranka Somaliland ayaan ku magac dheerahay oo aan sitaa,waxaan ka soo jeeda Waqooyiga Gobalka Maroodi-Jeex.Somalidu waxaa ay ku maah-maahdaa waxii umasha u dan ah ayaa ilamaheedana u dan ah,Diiwaan galinta waxaan leeyahay,Waxaa Saddexda Xisbi Qaran Iyo Komishanku ay isla waa faqsan yihiin,ayuunbaa dadka u dan ah,waxii aan waxaa ahayni waa xaaraan,fidmadana haday hurudo lama toosiyo Illaahybaa ka hadlay,markaa waxii kale waa fidmooyin la toosiyey iyo Bambooyin sidii Madaxweyne Bush tuurta la saaray,ee meel walba ku duulay,markaa in Bambooyin wadanka la soo galiyo oo waxaan jirin la keeno looma baahna,shacbiga reer Somaliland ee aanu Madax dhaqameedka u nahay baryahanba waa ay ruxmaayeen,oo waxay ka ruxmaayeen shucaacan doorashadii la soo dhex galiyey,waxaana waxaanu leenahay halaga daayo oo waxii laysku ogalaa ee lagu heshiiyey go’aankana lagu gaadhay waxaas uun ha shaqeeyaan oo halagu dhaqmo”Ayuu yidhi Duub Maxamed Faarax Kaahin.

Caaqil Dayib Cabdi Barre (Bulxan) oo isna dhankiisa halkaasi ka hadalay ayaa waxaa uu sheegay in aan deegaanadooda la keenin Karin Diiwaan galin lagu kala jabsan yahay,waxaana uu uga digay cid kasta oo isku dayda in ay keentana aanay ka aqbali doonin.balse kaliya ay u hogaan sami doonaan Diiwaan galin laysku waafaqsan yahay.

“Magacaygu waxa weeyaan Caaqil Dayib Cabdi Barre Bulxan,waxaanan ka soo jeeda deegaanka Koonfurta Hargeysa,aniga oo ku hadlaaya deegaanka Koonfurta Hargeysa,waxaa aanu halkan isagu nimi waa dan,qolana meesha ma taalo ee waxaa aanu nahay Odayaashii reer Hargeysa,ee ka hadlaayey deegaanka dalka,iyo kaadhka Muwaadinka ayaanu nahay,markaa anigu hadal badan odhan maayo,se waxaan leeyahay waxaan anagu waa faqsan nahay oo aanu taageeri doonaa,Saddexda Xisbi qaran iyo Komishankooda oo wada socdaa waxii ay ku wada heshiiyeen ee ay markii hore isku waa faqsanaayeen,waxii lagu kala jabsan yahay se anagu ma taageeri doono.Deegaamadayadana wax lagu kala jabsan yahay la keeni maayo,oo ka dhici maayo,oo cid dan gaar ah lihina la iman mayso,waxaanu se aanu raaci doonaa waxaa ay saddexdaa Xisbi qaran,Komishanka iyo Xukuumadooduba ay isku raacsan yihiin,waxii kale se waanu qaadacaynaa waanaanu ka soo horjeednaa”.Ayuu yidhi Caaqil Dayib Cabdi Barre (Bulxan).

Waxaa isn sida oo kale halkaasi ka hadlay Boqor Axmed Iimaam Warsame waxaana uu sheegay in aanay cid gaar ah ugu xaglinayn shirkan jaraa’id ee ay maanta isagu yimaadeen Madax-dhaqameedka ka soo jeeda deegaanka Gobalka Maroodi-Jeex,balse ay uga dan leeyihiin in ay bulshada ka horjoogsadaan cid allaale iyo cidii arrimo nabad galyo darro ah ka abuuraysa dalka.

“Waxaanu isagu nimi waa dan,anagu in aanu cid Hujuuno ama aanu cid raac sanahay,amaba aanu cid ka soo horjeedno maaha,laakiin waxaanu nahay Madax-dhaqameedkii reer Somaliland waxaa na saaran Masuuliyad,Masuuliyadaas oo ah in aanu Nabad galyada Somaliland waxii khal khal galinaaya aanu ka hadalno oo waa waxaan ucumaada u qaadanay.Hadaba waxa maanta jirta oo halkii aanu islahayn Doorasho Nabad galyo ahi dalka ha ka dhacdo ayaa kolba waxaa lagu soo tuurayo ayaa aanu anagu u aragnaa in khal khal Somaliland lagu galinaayo,oo maanta ay Xukuumada Somaliland ee uu Madaxweynaha Ka yahay Siilaanyo aanay arkayn Nimcada Nabada ah ee aynu haysano balse ay doonayaan uun in ay ka fekeraan uun sidii ay kursiga ay ugu sii fadhiyi lahaayeen,ama ay Muddo kordhin ay u siisamaysan lahaayeen,markaa waxaanu leenahay Md:Madaxweyne Somaliland dan uguma jirto khal khal,Somaliland dan uguma jirto kala carar,sida oo kalena Somaliland dan ugu ma jirto in Fidmo lakala dhex dhigo.maanta si fiican oo muwaadinimo kuugu jirto ayaa laguu doortay xabad kumaad qabsan,Xukun kale ku maad qabsan ee farbaa laguu taagay oo aad ku soo baxday,maantana fartii ayaa ama aad ku guulaysan ama lagaaga qaadi ee diyaar looma aha qori” Boqor Axmed Iimaam Warsame

Madax-dhaqameedka kale ee iyagun ugu danbayntii halkaasi ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa:”Xukuumadani Jahawareer ayaa ay galisay Umadda,waxaanan ka codsanaynaa Xukuumadu in aanay Jahawareer galin Umadda,Xukuumaduna ay ka tanaasusho waxyaabaha ay ku dhaqaaqayso,ee ay ka mid tahay waxa diiwaan galintii la dulsaaray,ee Saamaha la daba jiidayo,waanu diidanahay waanaanu ka soo horjeednaa,mida kale waxii Saddexda Xisbi qaran ay isku raacsan yihiin,iyo Komishanku ayaanu ogal nahay,waxii se aanay isku waafaqsanayn waanu qaadacaynaa Xaafadahayaga lama keeni karo,waanan ka soo horjeednaa”.