MADAXWAYNAHA SOMALILAND OO MAGACAABAY GUDDIDA DARAASADDA IYO U-KUURGALKA CABASHADA DEEGAANKA REER AWDAL

MADAXWAYNAHA SOMALILAND OO MAGACAABAY GUDDIDA DARAASADDA IYO U-KUURGALKA CABASHADA DEEGAANKA REER AWDAL

Siilanyo

Hargaysa(Salaanmedia.com) Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa Magacaabay Guddida Daraasadda Iyo U-Kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.
Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland oo nuqul kamidi soo gaadhay xafiiska shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ay ku leedahay magaalada Hargaysa, war saxaafadeedkaasi oo dhamaystirana waxa uu uqornaa sidan:-

WAR-SAXAAFADEED-Taariikhda: – 03/09/2014
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/MG/241-2682/092014 ku magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada Deegaanka Reer Awdal.
Ujeedo: Magacaabid Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka Cabashada
Deegaanka Reer Awdal Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Ku: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Ku: Wasiirka Wasaaradda Beeraha Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Ku: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Ku: Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Ku: Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Mudanayaal, Waxa jira cabashooyin iyo tabashooyin xoogan ay ii soo gudbiyeen Salaadiinta iyo Madax-dhaqmeedka Gobolka Awdal oo ay kaga cabanayaan saami qaybsiga iyo jagooyinka shaqo ee Deegaanka Awdal. Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan noqotay in Guddi heer Wasiiro ah loo magacaabo hawshan si ay daraasad iyo xaqiiqo raadin uga sameeyaan arrintan. Haddaba Mudanayaal, si xog iyo macluumaad dhab ah looga soo uruuriyo cabashadan; waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Daraasadda iyo U-kuurgalka arrimaha laga cabanayo ee qoraalka ku xusan, waxaana Guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga. Sidaa darteed Mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan. ALLAA MAHAD LEH Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL