Madaxweynaha Somaliland Oo Ciidanka Police-ka ka Tacsiyadeeyey Dilka Taliyihii Saldhiga Arabsiyo Oo Goor Dhawayd Ku Geeriyooda Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Oo Ciidanka Police-ka ka Tacsiyadeeyey Dilka Taliyihii Saldhiga Arabsiyo Oo Goor Dhawayd Ku Geeriyooda Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa.

ZIILANYO BALIGUBADLE

Hargeysa(Salaanmedia.com):-Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ciidanka Police-ka ka tacsiyadeeyey geerida taliyihii saldhiga Arabsiyo marxuun Cabdi Cismaan Xaaji Cali(Cabdi Case) oo gacan ka xaq darani dishay.
Dhanbaalka tacsida ah ee madaxweynaha somaliland u diray ciidanka Police-ka iyo shacabka somaliland oo goor dhawayd ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada ayaa isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Taliyihii saldhiga Booliska ee Degmada Arabsiyo ee Gobolka Gabiley, Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Cali (Cabdi-case) oo u geeriyooday togasho uu u geystay askari ka mida ciidamadii uu xukumayey ee Saldhiga Arabsiyo, kaasi oo gacanta lagu dhigay
gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ciidamada qalabka sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybada qaranka, cidkasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xadgudbayso sharaftii qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fulinyo.