Madaxweyne Siilaanyo Oo Dib U Celiyay Xubnihii Komishanka Ee Gudoomiyaha Guurtidu Ugudbiyay Iyo Saleebaan Oo Ka Xanaaqey Soo Celintooda Maxaa Dhex Marey

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dib U Celiyay Xubnihii Komishanka Ee Gudoomiyaha Guurtidu Ugudbiyay Iyo Saleebaan Oo Ka Xanaaqey Soo Celintooda Maxaa Dhex Marey

SALO IYO ZIILAN

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal)ayaa, manta u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo labadii xubnood ee Komishanka Doorashooyinka uga qryb gali lahaa Xubnaha Gudida Doorashooyinka Qaranka ee Cusub haseyeesee,sida ay hadhwanaagnews u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun daoola qasriga Madaxtooyadu Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa aad uga xanaaqey soo celinta Madaxweyne Siilaanyo kusoo celiyay Xubnihii
hore ee Guurtida uga midka ahaa Xubnaha
Waxaanu Gudoomiye Saleebaan cidhifka laalaadsadey a warqadii Xubnaha
Golaha Guurtida ee uu kusoo celiyay Madaxweyne Siilaanyo,isagoo
Madexweyne Siilaanyo ku celiyay qoraalka warqada labada xubnood ee uu
kusoo celiyay,waxaanu ugu hal celiyay si adag waxaanay wararku
tibaaxeen in kulankoodaa dame ay goob jog ka ahaayeen Wasiirada
Madaxtooyada,iyo Duulista Hawadu Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maxamuud
Xaashi,waxaanu Gudoomiye Saleebaan u sheegay Madexweyne Siilaanyo in
aanay Golaha Guurtida u oolin qorshaha uu suruuda uga dhigay,ee ah
inaan xubnihii hore loo baahneyn in mid kamid ahi dib ugu soo noqdo
Komishanka balse,ay isaga ka go,an tahey in labadaa xubnood uga qeyb
galayaan oo aanu ka noqoneynin go,aankiisa sikasta oo Madxweynuhu usoo
dhigo.

Ilaa iyo hada lama oga waxa uu kulankoodaasi ku dhamaadey inkastoo ay
ilahan xogogaal ahi Hadhwanaagews u xaqiijiyeen in Gudoomiye Saleebaan
waji cadho leh iyo go,aan adag kaga noqdey Madaxweyne Siilaanyo.

Labada Xubnood ee Gudoomiyaha Golaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan
u gudbiya Madaxweyne Siilaanyo ayaa kala ah Cabdiraxmaan Ismaaciil
Dixood iyo Raabi Cabdi Maxamed,oo labaduba ahaa xubnihii hore ee
Komishanka Doorasooyinka ee Golaha Guurtidu xiligii hore u xulay
Komishaka Doorashooyinka.