Madaxweyne Siilaanyo Oo Furay Baasaaboorka Cusub Ee Somaliland Iyo Dalalka Lagu Tegi karo

Madaxweyne Siilaanyo Oo Furay Baasaaboorka Cusub Ee Somaliland Iyo Dalalka Lagu Tegi karo

BAASAAABOR

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shlay furay Baasaabboorka cusub ee Electronic (E-Passort), ee Somaliland oo beddelaya kii hore u jiray.
Munaasibad kooban oo shalay lagu soo bandhigayey baasaaboorka cusub ee E-pas port), ayaa lagu qabtay xarunta guud ee waaxda socdaalka Somaliland, isla markaana Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xadhiga ka jaray xafiis cusub oo loogu talo galay in dadka reer Somaliland lagu siiyo Baasaaboorka.
Taliyaha guud ee ciidamada laanta socdaalka Somaliland Gashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf oo ugu horayn halkaas ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey meelaha lagu tagayo Baasaaboorka cusub wuxuu yidhi, “Waxaynu maanta haysanaa baasaaboor elegtaroonig ah (Electronic E-Pas port), oo aad iyo aad tixgalin u mudan. 26 dal ayaa balan qaad noo sameeyay in lagu iman-karo Baasaaboorka cusub ee Somaliland. Ciddii u baahan ee is cadaysa inay tahay Somaliland-der way qaadan. Waxa ka mid ah Uganda, Tansaaniya (Tanzania), South Afrika, Yamen, Masar iyo qaar kale oo badan.”
Wasiirka arrimaha gudaha Cali Waran-cadde oo isna ka hadlay Baasaaboorka cusub ee Somaliland wuxuu yidhi, “Mudane Madaxweyne xarunta laanta socdaalku waa xarun balaadhan, waxaana yaala Madaxweyne qalab tayadiisu wacan tahay. Madaxweyne waxaynu maanta ka hadalnay Kaadhka iyo Baasaaboorka, waana waxa kaliya ee cadeeya qofka jinsiyadiisa waxa uu yahay ee lagu aqoonsado.”
Wasiirka maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna ka hadlay wuxuu yidhi, “Qofkasta oo ka baxay ama soo galay Somaliland waxa laga helayaa xarunta imigareeshinka Somaliland. Qofkii dalka danbi ka galay ee aynu baadhayno xafiiskooda ayaa loogu imanayaa. Maantana waxaynu u fadhinaa xafiiskii gaarka u ahaa baasaaboorada Somaliland.”
Geba-gebadii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo halkaas hadal kooban ka jeediyey wuxuu yidhi “Waxaan rajeenayaa inuu noqdo Baasaaboorka cusub mid anfaca dadkeena, haddii alle ka dhigo.”

Salaanmedia/Hargaysa