“Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu Ku Dhawaaqay In Xirsi Yahay Ra’iisal Wasaare”

“Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu Ku Dhawaaqay In Xirsi Yahay Ra’iisal Wasaare”

RAISAL

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Gudoomiye xigeenka 1-aad ee ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ku eeddeeyay inuu dalka ka abuuray fawdo sharci, isla markaana uu sameeyay Ra’iisal wasaare Sharciga baalmarsan. Sidoo kale gudoomiyaha gudiga shuruucda ee golaha Wakiiladda Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ka hadlay arrintaa kuna tilmaamay sharci darro.
War qoraal ah oo uu soo saaray gudoomiye ku xigeenku wuxuu ku sheegay in talaabadani meel ka dhac ku yahay hanaanka Saami qaybsiga iyo awood qaybsiga ee Somaliland ku dhisan tahay.
Hadalka Waddani ayaa daba socda Madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan kulan uu la yeeshay Badhasaabada iyo Maayarada dalka u sheegay in Mawduuca lagaga hadlayay kulanka uu u sharaxay Wasiirka Wasiirada oo uu ula jeeday Wasiir Xirsi, qoraalkaa jawaabta ah ee gudoomiye ku xigeenku soo saarayna wuxuu u dhignaa sidan;
“ Somaliland Waa Dal Dimuqraadiyad Ku Dhisan Maadaama Oo Madaxweynaha Iyo Madax Weyne Xigeenku Si Isku Mida Loo Soo Doorto Oo Midna Midka Kale Aanu Xilka Ka Qaadi Karin. Madaxweyne Ahmed Siilaanyo wuxuu Ku Dhawaaqay Ra’iisal Wasaare (Wasiirka Wasiirada) Kaas Oo Ah Sharci Daro Isla Markaana Xadgudub Ku ah Dastuurka Iyo Shuruucda Dalka Islamarkaana Ka Hor Imanaysa Saami Qaysbiga Somaliland Ku Soo Caano Maashay.
Madaxweyne Siilaanyo Iyo Inta Ka Agdhawi Dalkii Way Burburiyeen Bariga Dalka Sidaad Wada Ogtihiin Waxaa Dowlad Ka Samaystay Cali Khaliif Galaydh Xukumada Siilaanyana Way Ku Saaciday, Galbeedkana Waxa Lagu Khasbayaa Inuu Samaysto Maamul Goboleed Aanu Rabin.
1. Mar Hadii Salaadiintoodi La Dheqaysan Waayay
2. Madaxwyne Ku Xigeenkiina Xilkisii Cid Kale Loo Magacaabay ( Wasiirka Wasiirada)
Afka Carabiga Waxaa Lagu Yidhaa Ra’iisal Wasaare Ingiriisigana Prime Minister Somaaligana Wasiirka Wasiirada Ama Wasiirka Koobad Sidii Madaxweynuhu Ka Shaaciyayey Warbaahinta, Wuxuu U Magacaabay Xirsi Xaaji Cali Ra’iisal Wasaare Sharci Daro Ah Loona Baahan Yahay In Lagula Xisaabtamo Madaxweynaha Oo Baarlamanka Shacabka Matalaan Ku Inbiij Gareeyaan Inta Aanay Bulshada Gaadhin In ay Gacanta Iskula Tagaan”.
Dhinaca kale gudoomiyaha guddiga shuruucda ee golaha wakiiladda Xildhibaan sicid cilmi rooble oo waraysi gaar ah siiyay shebekada Hadhwanaagnews ayaa sheegay, in guddida shuruucda ee golaha wakiiladu ay ka soo saari doonaan go,aamo waxaanu yidhi ““Arintan mucjisada ahi waxaa weeye madaxweynaha afkiisa ayey ka soo baxday arinkaasi waxaa weeye mid sharci jabin ah oo dastuur jabin ah arintaasi meel ay inagaga taala ma jirto. dhuh dhuh baynu maqli jiray oo ah dalka yaa xukuma jaar’idkana way ku qornaan jirtay halkaas waxaad moodaa in madaxweynuhuna meel kaga dhacay dastuurkii qaranka hawshaasi, anigu waxaan fadhiisinayaa gudida shuruucda ee golaha wakiiladu waanay ka hadli doonaan arintaas,talana waanu ka yeelan doonaa jawaab cadna waanu ka bixinaynaa.”
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Hadalka la sheegayo in uu ka soo yeedhay madaxweynaha ee ah wasiirka wasiirada oo macnaheedu noqon karo raysal wasaare hadii uu hadal kaasi dhab noqdana madaxweynihu laaxin ayuu galiyey dastuurkii qaranka ,waana gaf dastuuri ah ,guddida shuruucda ee golaha wakiiladuna go,aan ayey ka soo saraysaa waayo dalkeenu waxaa uu leeyahay madaxweyne ,madaxweyne ku xigeen iyo wasiiro, sida ku qeexan dastuurka jamhuuriyada somaliland ma laha wasiir kowaad ,ma laha wasiirka wasiirada ,mana laha raysal wasaare, xum-xum hore loo maqli jiray ayey tani markhaati u noqonaysaa” ayuu yidhi xildhibaan siciid cilmi rooble.