Madaxweyneha iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Qaarkood Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Naxdinta Lahayd ee Ku Timid Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe)

Madaxweyneha iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Qaarkood Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Naxdinta Lahayd ee Ku Timid Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe)

war%20weyne

Hargeysa (Salaanmedia.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabd Iyo Xog-hayaha Guud ee Kulmiye Md. Xasan Siciid Yuusuf ayaa guud ahaanba shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Naxdinta Lahayd ee Ku timid Rabbi Naxariistii Janno ha ka Waraabiyee Agaasimihii Hore ee Cusbitaalka Guud ee Magaalada Burco Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe).

Ugu horeyn War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa lagu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u
dirayaa, Bahda Caafimaadka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe) oo ku geeriyooday 24/09/2014 Magaalo Madaxda Togdheer ee Burco.
Marxuumka oo ka mid ahaa Dhakhaatiirta waa weyn ee dalka kana mid ahaa dadkii fara-ku-tiriska ahaa ee ka qaybqaatay dib u dhiska dalka, wakhtigooda ugu badana geliyey sidii bulshadeenu u heli lahayd caafimad taam ah, sidoo kalena ahaa aqoon yahan iyo waxgarad door muhiima ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalkaba.
Waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay tiir ka baxay guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Bahda caafimaadka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo” Kaasi waxa uu ahaa Warsaxaafadeedkii ka soo baxay Madaxtooyada.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa guud ahaanba shacabka Somaliland iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe) ka tacsiyadeeyay, waxaana qoraal ka soo baxay xarunta Xisbiga Wadani lagu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, dhamaan G/Fulinta, G/Dhexe iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanaysan tacasi u diryaan xaasaskii, caruurtii, eheledii, qaraabadii uu ka baxay Agaasimaha Cusbitaalka Burco
Marxuum Cabdiqaadir Aw Muuse (Muruqliqe)oo ku geeriyooday Caawa magaalada Burco
Waxaanu Eebe uga baryayna innu ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaanteenna samir iyo iimaan inga siyo.” Kaasina waxa u ahaa dhambaal tacsida ahaa ee uu Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ka soo saaray geerida Marxuum Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe).
Geesta kale Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa isna dhambaal tacsi ah u diray waxaanu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, qaraabadii, asxaabtii, bahda Caafimaadka iyo dhamaan shacbi waynaha Somaliland ee uu ka baxay Agaasimihii cisbitaalka Burco Marxuum Dr C/qaadir x.muuse muruq-liqe , wuxuu marxuumku qayb libaaxa ka soo qaatay halgankii horumarinta adeega caafimaad ee wadanka.
Gudoomiye Biixi wuxuu Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto dhamaanteena samir iyo iiman inaga siiyo…aamiin aamiin.
Gabogabadiina Xoghayaha Guud ee Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf Ehelada iyo shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe), waxaanu yidhi “Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Mudane Xasan Siciid Yuusuf Isagoo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Guddoomiyaha xisbiga , Hoggaanka iyo Guddida fulinta iyo dhammaanba Goleyaasha xisbiga waxa uu tasi u dirayaa qoyska, qaraabadda iyo ummadda reer Somaliland gaar ahaan shacbiga reer Togdheer oo uu ka tacsiyadeynayo geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe) oo ahaa agaasimihii cisbitaalka Burco oo ku geeriyooday 24/09/2014 Magaalo Madaxda Togdheer ee Burco isla markaana lagu aasay magaaladdaas, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta qiimaha weyn ku leh qaranka iyo guud ahaanba dalka.
Waxaan ILAAHAY uga baryaynaa Marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”