Masuuliyiinta Kenya Oo Ka Digey Suurta-galnimada Weeraro Aargoosi Ah Oo Ay Xarakada Al-Shabaab Ka Fuliso Gudaha Kenya Iyo Ciidamada Oo Heegan La Geliyay

Masuuliyiinta Kenya Oo Ka Digey Suurta-galnimada Weeraro Aargoosi Ah Oo Ay Xarakada Al-Shabaab Ka Fuliso Gudaha Kenya Iyo Ciidamada Oo Heegan La Geliyay

KENYA

Nairobi-(Salaanmedia.com)- Af-hayeenka ciidamadda Millatiriga ee dalka Kenya, Bogita Ongeri, ayaa ka digey suurta-galnimada weerarro argaggixiso oo aargoosi ah oo ay Xarakadda Al-Shabaab, ku bar-timaameedsato gudaha dalka Kenya.

Af-hayeenka oo u waramayay Wakaaladda Wararka ee Xinhua, ayaa tibaaxay in la kordhiyay tirada ciidamadda ku sugan xadka Kenya ay la leedahay Soomaaliya, isla markaana oo heegan adag la geliyay, si gaar ahna loo xoojiyay ammaanka Gobaladda waqooyi bari iyo kuwa xeebta.
Digniintan ka soo baxday Kenya, ayaa ka danbaysay kaddib markii ciidamadda Maraykanku ay duqeyn dhinaca cirka ah ku dilreen Amiirkii Xaraadda Al-Shabaab iyo laba sarkaal oo ka tirsanaa Xarakada, iyada oo Kenya ay cabsi aad y weyn ka
qabto in Al-Shabaab ay ka fuliso weeraro ay ugu aargudayso hogaamiyahoodii la dilay, kaas oo ay xarakada Al-Shabaab hore u sheegtay in ay u aargudi doonto.