Maxaa Dadka Loo Laynayaa?

Maxaa Dadka Loo Laynayaa?

XASSAANN

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Mujaahid Xasan Ciise jaamac Oo wakhtigan ka tirsan Madasha wadatashiga ayaa sheegay in ay mamnuuc tahay in dad rayid ah Boolisku Rasaas u adeegsadaan. Isla markaana Waxa uu tacsi u diray dadkii ku dhintay rabshadihii Jimcihii ka dhacay Gabiley, isagoo Caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.
“Ciidamadii Bilayska ee Somaliland ee Shaqadoodu ahayd inay ilaaliyaan Amaanka iyo nabad galyada reer Somaliland ayaa Amar lagu siiyay inay Rasaas nool la dhacaan Dadkii Ra’yidka ahaa ee Caruurta iyo dumarka ahaa ee aan hubaynayn ee Mudaharaadayay.mana aha markii u horaysay ee taas oo kale ka dhacdo Somaliland,arintaasi waanu ka hadalay mararkii horay dhacday haddana waanu ka hadlaynaa,mana aha arin loo adkaysan karo,Arin caqliga Saliimka ahi qaadan karo ma aha.Arintaasi waa inay halkaasi isku taagto aanay dib inoogu soo noqon Insha Allah”, Ayuu xasan Ciise.
Xasan Ciise wuxuu intaa ku daray yidhi, “ Sababtu waxa weeye, rasaasta iyo qoryaha waxa loogu talagalay nacabka waddankan cadawga ku ah. mushaharada Ciidanka waxa bixiya dadkan Shacabka ah oo waa cashuurta laga qaado, madaxda ilaa wasiirada ilaa askariga dadkan ra’yidka ah ee nabadgalyadooda la ilaalinayo ayaa masruufa kuwan rasaasta la dhacaya iyo kuwa amraya”
Xasan Ciise oo sii hadlaya wuxuu yidhi, “ dad mudaharaad Salmi ah u soo baxay oo dumar iyo caruur u badan in rasaas nool lala dhaco aduunka meel ay ka dhacdo oo aan Kalitalis ahayn oo aan Daalin ahayn oo Dulmi ahayni ma jirto.Kuwa Noocaas ku kacana dadkaa diida oo ka dhiidhiya oo aakhirataanka wakhti kastaba ha ku qaadatee ka tuura Kursiga. Arintaasi waxa weeye Arin loo baahan yahay inaanay dib u soo noqonoo inay mar kaliya dhacdo ayaa inagu dheeraad ah, inay soo noqnoqotana hadalkeedaba daa”
Xasan Ciise waxa uu tilmaamay sida ay dadku xaq ugu leeyihiin mudaharaadka islamarkaana ay tahay in Xukumadda iyo Boolisku u dulqaataan “dadkani waa dad ra’yid ah oo aan hubaysnayn oo mudaharaad Salmi ah u soo baxay,haddii la yidhaahdo Waddadii bay xidheen dee waa Waddadoodii oo Cashuurtii Laga qaadayay ayaa lagu sameeyay ee ha xidheen.
Cidda aan sugi karayn inta ay ka xiiso dhacayaan ee ay Ka kacayaan meesha Ciidamada shaqadooda weeyaan inay ka wareejiyaan hareeraha waddada.mar haddaan dadkani hub sidan xaq bay u leeyihiin intay ka cadho burburayaan inay wadadooda fadhiyaan, hadday sanad ku qaadanayso ha fadhiyeen, sanadkaas ha qardo jeexaan dadka aan sugi karayni. Waddo aan hareeraha laga mari karini ma jirto ee maxaa dadka loo laynayaa?”
Xasan Ciise oo ka hadlaya waxa laga yeelayo dadku haddii ay rabshad sameeyaan waxa uu yidhi “Xataa haddii cid ka mid ah dhalinyaradu Booliska dhagax ku tuuraan,maaha in Rasaas lagu furo, Askartu waxay dirayska u xidhan tahay inay wadanka naftooda u huraan.Ma dhagax yar oo Ilmo yar soo tuuray baanay u adkaysan karayn, muxuu yeelayaa.wax sabab u noqon kara maaha in xabbad lagu dhufto nin Waddani ah oo reer Somaliland ah.
Ciidamada Aduunka oo dhami waxay ku shaqeeyaan Shuruuc, waxa la yidhaa haddii aad dadkaaga la macaamilayso Xabbad kuma ridi kartid.Billaba haddii ay dhacdo oo qof Argagixiso ah oo hubaysan oo Booliska tooganaya uu ku soo dhex dhuunto,kaas uunbay u jawaabi karaan oo rasaas ku ridi karaan laakiin meel aan xabbadiba jirin dad rayid ah lagu rido rasaasi meel ay aduunka ka dhacdaa ma jirto”