MAXAA KA JIRA IN INAN UU DHALAY WARIYAHA CAANKA AH AXMED XASAN CAWKE AY FANAANAD NOQOTAY.

MAXAA KA JIRA IN INAN UU DHALAY WARIYAHA CAANKA AH AXMED XASAN CAWKE AY FANAANAD NOQOTAY.

CAWKEEE

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Qaar kamid ah Websiteyada yar-yar oo ka howlgala Somaliland ayaa baahiyay war ay ku sheegayaan in Wariyaha caanka ah ee Axmed Xasan Cowke gabadh uu dhaley oo magaceeda lagu sheegay Nimco ay noqotey Wakhtigan fanaanad.
Wariyaha caanka ah Axmed Xasan Cowke oo Shabakada Wararka Hadhwanaagnews la xidhiidhay si ay wax uga weydiiso warkaasi ayaa sheegay in uu ixtiraam badan u hayo guud ahaanba bahda fanka Soomaaliyeed islamarkaana, uu jecel yahey asal ahaanba fanka haseyeeshee aanay waxba ka jrin in gabadh uu dhaley oo lagu sheegay in ay ku sugan tahey Wadanka Swden ay wakhtigan noqotey fanaanad,waxa uu Wariyaha ruug cadaaga ah ee Axmed Xasan Cowke sheegay in aaney jirin habayaraatee gabadh uu dhaley oo ku sugan dalkaasi Sweden Gabadha
Uu Dhalay iyo Caruurtiisa kalana ay ku sugan yihiin London waxaanu carabka ku dhuftay inay caruurtiisu intooda badani ay ku fiican yihiin diinta islaamka oo aanay sidiisa oo kale fanka uba jeclayn

Gabagabadiina waxa uu Axmed Xasan Cowke tilmaan kooban ka bixiyay in aaney ceeb aheyn hadii ay wax jira sheegaan dhalinyarada wararka been abuurka ah ku deg-degayaa laakiin wax

aan jirin hadii ay sidan oo kale u sheegaan ay noqoneyso wax iyaga dib ugu noqonaya oo Sumcad dil ku ah isagoo si kooban uga dardaarey mustaqbalkooda in ay ka ilaaliyaan wixii been abuur ah rajo fiican iyo hurumarna uu u rajeynayo isagoo,ku gaabsadey in aanu habayaraatee,garan karin sababta looga jeeday warkaasi been abuurka ah.