Muranka Maxlalka Mashaariicda Diiwaan Gelinta

Muranka Maxlalka Mashaariicda Diiwaan Gelinta

MURANKA MARXALKA

Hore waxaynu u soo xusnay nuxurka heshiisyadii hore looga gaadhay diiwaan gelinta madaniga ah iyo ta cod bixiyayaasha doorashada. Isla markaana waxa qodobadaa hore laysula qaatay gundhigoodu ahaa, in labada diiwaan gelinood aan laysku dabrin ee ay kala madax banaan yihiin, si aanay doorashadu waqtigeeda u dhaafin. Hase yeeshee, wixii hore loo gaadhay haatan waxay u muuqdaan qaar laga talaabsaday, waxaana markhaati u ah doodda xukuumadda iyo xeerka midaynaya labada diiwaan gelineed oo golaha hor yaala. Xukuumaddu waxay diyaarisay qorshe aan dawgal u muuqan oo loo arko in dib loogu riixayo doorashada, kaasoo dulucdiisu tahay, in marka hore la qabto diiwaangelinta madaniga ah kadibna ta codbixiyayaasha. Taasoo mucaaridka iyo daneeyayaasha Somaliland saacidaana aanay ku qanacsanayn. Curintan cusub ee muranka dhalisay, waxa loo malaynayaa inay jiraan wax loogu gabanayo oo xukuumadda dhinaceeda u qarsooni, marka laga tago hadal haynta la xidhiidha muddo korodhsiga.
Kala duwanaanshaha
Diiwaangelinta madaniga ahi maaha mid da’ ku xidhan oo dadku aanuu u sinayn, ee waxa weeye mid lagu unko diiwaanka qoyska(family sheet), isla markaana xitaa ilmaha dhasha lagu qoro, ka dhintana laga saaro. Waa diiwaan gelin aan waqti go’an lahayn ee socota. Waa diiwaan gelin gurigeedu yahay dawladaha hoose, wasaaradda daakhiliguna dusha ka maamusho marka la bilaabayo, balse marka la xaqiijiyo in la tiro koobay bulshada wadanka, kadib waxa lagu daraa waa hadba ilmaha ku soo kordha qoyska ama ka dhinta oo laga saaro, taana waxa maareeya dawladaha hoose.
Marka dal aan hore diiwaan gelintani uga jirin, oo weliba reer guuraa u badan la doonayo in laga hirgeliyo, waxa muhiim ah in waqti badan loo qoondeeyo, ugu yaraan 10 sanadood oo kale, si loo gaadho yoolka ah, in dadka la wada sajilo. Hase ahaatee, diiwaan gelinta codbixiyayaashu way ka duwan tahay taa. Waxay leedahay waqti cayiman oo doorashada horteed ah. Dadka oo dhan lama diiwaan geliyo, ee waxa la qoraa oo keliya dadka qaan gaadhka ah, oo loo yaqaano kuwa xaqa u leh cod bixinta. Masuuliyadda maamulka diiwaangelinta cod bixiyayaashana waxa leh Komishanka Doorashooyinka, xukuumaduna waxay ka saacidaa xaga amaanka.
Hadaba, kala duwanaanshahaas labada diiwaan gelinood xeerka xukuumadda kama muuqdo. diiwaan gelintan madaniga loo bixiyay ee hadda dawladdu durbaanka u tumaysaa, taa ma waafaqsana. Magaca way wadaagaan ’diiwaan gelin madaniya’, laakiin wax isku isir kama aha, oo waxay shabahaysaa diiwaangelinta cod bixiyayaasha. Sida ku cad xeerka xukuumaddu u gudbisay wakiiladda waxa qorshuhu yahay, inay socoto muddo kooban, dadka la diiwaangelinayo ee loo aqoonsanayo muwaadin somaliland ahna, waa inta da’da diiwaan gelinta gaadhay oo keliya. Qodobka arrintaa ka hadlaya ee xeerkuna wuxuu odhanayaa sidan; ”Waxa reebban in shaqsiyaadka hoos ku xusan loo diiwaangeliyo Warqadda Aqoonsiga ama codbixiyayaal ahaan: –
1. Qofka aanu xuskiisu dhamayn (waalan)
2. Maxaabiista Xukuman ama gar-sugayaasha ah.
3. Ajnabiga dalka gudihiisa ku sugan
4. Qofka aan gaadhin da’da diiwaangelinta”.

Qodobkani wuxuu muujinayaa, dadka labada diiwaan gelinood kaadhadhkooda la siinayaa inay yihiin oo keliya, inta gaadhay da’da diiwaan gelinta oo qudha, taasoo ka dhigan inta qaan gaadhka ah. Sidaa darteed, lama odhan karo waa diiwaan gelin madaniya ee waa murug ku loohan diiwaan gelinta cod bixiyaha, waayo, diiwaan gelinta madaniga ahi, xuquuqda muwaadinimo kama qaado muwaadinka, dadkana ma qaybiso oo la mid maaha ta cod bixiyayaasha ee qaan gaadhka oo keliyi xaqa cod bixinta leeyihiin. Mida labaad qodobkani wuxuu tusmanayaa, in qaangaadhka mooyee, aanay ahayn muwaadiniin.
Xeerkan xukuumaddu soo diyaarisay oo lagu magacaabo, Qabyo qoraalka kaabista iyo wax ka bedelka xeerka diiwaan gelinta muwaadinimadda iyo cod bixiyayaasha, waxa ka muuqda dhaliilo badan oo sharci yaqaanku ay qawadeen, kuwaas oo ay tilmaameen inay muujinayaan tayo yaraan iyo tab gaabni sharci, marka loo eego sida loo ciriyay iyo sida laysugu guuriyay laba xeer, oo xidhiidh xigto mooyee, mid waalid ka dhaxayn.
Inkastoo xukuumaddu ku dadaalayso inay liqsiiso golaha Wakiiladda, hadana, waxay dadka dhaliilsan iyo mucaaridkuba u arkaan, in aanuu ahayn mid la liqi karo. Isla markaana aanuu ahayn xeer danneed oo Somaliland ku beegsan karto diiwaangelinta xaqiijinta muwaadinka, balse uu yahay mid baahi tir gaar ah loo samaystay.
Ujeedooyinka iyo danaha
Fulinta diiwaan gelinta madaniga ah waxa la sheegay, inay ku guulaysatay shirkad wadaniya oo aanuu cimrigeedu waynayn, taasoo siday saxaafadu hore u faafisay abuurkeeda iyo lahaansheheeda loo aanaynayo, in uu ku lug leeyahay wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan, balse la tuhunsan yahay inay shaadhkeeda xidhan yihiin jilayaal kale. Sidaa aawadeed, dhaliilayaasha qaarkood waxay aaminsan yihiin, in danaha ugu wayn ee murankan isa sudhka diiwaan gelinta loo abuuray uu yahay, mid loogu gabanayo lunsi maaliyadeed iyo in la musuq maasuqo lacagta kabka dawladaha hoose ee deegaanada dalka oo la sheegay, in loo xidhay fulinta mashruucan.
Danta labaad ee la rumaysan yahay inay meesha ku jirto ayaa iyana loo arkaa inay tahay muddo korodhsi, si taa loo gaadhana doorasho la’aan lagu gaadhsiiyo dalka, waqtiga ay ku eg tahay mudada xil haynta madaxweynuhu, si markaa uu xalku u noqdo muddo kordhin iyo doorashada oo dib loo dhigo. Si kale marka loo eegana way iska noqonaysaa. Waayo, haddii xiligan diiwaan gelin madaniya lagu xidho doorashada iyo diiwaan gelinta cod bixiyayaasha, waxay taasi ka dhigan tahay doorasho ma dhacayso june.2015.
Gunaanad
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu hore ugu dhawaaqay, in aanuu doonayn in maalin loo kordhiyo marka mudada la doortay dhamaato. Sidaa aawadeed, waxa haboon in Madaxweynuhu kaga dhabeeyo balan qaadkiisaa, meeshana ka saaro wax ala wixii dibu dhac ku keenaya diiwaan gelinta cod bixiyayaasha si doorashadu xiligeedii u dhacdo. Waxa kale oo muhiim ah in dib loogu noqdo wixii heshiiska lagu ahaa ee la wada saxeexay. Wasiir saxeexiisii hore khilaafayna kuma qumana masuuliyada iyo sunaha maamul. Sidaa awgeed, waa in loo noqdo sidii loo heli lahaa diiwaan gelin madaniya oo danta guud ku salaysan, qaneecaad iyo tigaantig danbena u yeelata umadda, diiwaan gelinta cod bixiyahana dabarka laga furo. Haddii kale waa hubaal in layskula sii siqayo diilinta dhamaadka xil haynta madaxweynaha, taasina ay rumaynayso uun in gurac iyo goojo maal looga gol leeyahay qorshahan muranka dhaliyay, balan qaadkii madaxweynahana ka dhigaysa mid aan sii ridnayn oo danahaasi maydhaameen.