“Musharaxa Jagada Madaxwaynaha ee UCID Sidaa Foosha Xun u Maagay Hadii Aniguna Aan Yar Taabtay Boogihiisa Ma Hoygii Makaan Gubay Waa Yaabe…”Cali Guray

“Musharaxa Jagada Madaxwaynaha ee UCID Sidaa Foosha Xun u Maagay Hadii Aniguna Aan Yar Taabtay Boogihiisa Ma Hoygii Makaan Gubay Waa Yaabe…”Cali Guray

guray

Hargeysa (Salaanmedia.com)- Inta ay jariidadan yar ee Xirsi Gaab samaystay beenta isugu gey geysanayaan ku ma dadka i yaqaan waraystaan kol ay Madaxwayne Silanyo Been Madow Iyo Xirsi Gaab waa ayo dadka ay doonayaan inay Caligurey baraan? Ma dadkii i yiqiin iyaga oon labdooda midna aqoonin? Hadiise xiise u hayo iyaga halkii aan ku soo barbaaray iyo sidii aan u soo barbaaray aniga ayaa ku casumaya oon weliba uga soo bilaabi doona daaradaydii ugu horaysay ee LABA NUUX iyo markii aanu deriska ahayn Sheekhayaga laga ducaysto ilaa markii aan Dugsiga Sare ka baxayna u laqimi doona(1960kii ilaa 1974kii).
Hadii aanay diyaar u ahayn anigu taariikh nololeed kayga waxan u diyaar ah in aan dadka u soo bandhigo ehbal Iyagu tooda iyo halka fiican ey ku soo barbaareen dadku ha ogaado eh ma u soo wada ban dhignaa oo diyaar ma u yihiin dadkuna iyagu maxkamadda ha noqdaan eh. Anigu dhincayga diyaar baan u ah lakiin iyagu kuma dhici karaan waayo way og yihiin in aanay aniga igu dherersan karin oo midna dadku waxay magaciisa maqleen markii uu af duubay odaygii 90 jirka ahaa ee AHN eh Juujuule midna markii adeerkii Silanyo soo qaatay ee wax ka dhigay.Intii ka horaysay yaa yaqaanay meel ay joogeen iyo meel ay ku noolaayeen iyo meel ay ku soo barbareen toona?.
Tan kale miyay ogyihiin in macalinkii 1960kii madrasadii FALAAXO ALIF BA iigu bilaabay nool yahay oo uu Cabdi Cabdillahi Riiraash yahay, NAADIRKII Biyo Dhacay ee UULADAYDIINA nool yahay oo Daud Khayre yahay ku xigeenkiisina nool yahay oo Cabdillaahi Xaaji Axmed Ildab yahay.
Inta ay jariidadan yar ee Xirsi Gaab samaystay beenta isugu gey geysanayaan ku ma dadka i yaqaan waraystaan kol ay Madaxwayne Silanyo i waydiiyaana ilayn isaga ayaanu is naqaanay iyagoonay xumaan iyo samaanbana iyaga iga yaqaan eh.
Saaxiibkay nasiib daranaa! Dhankan waxa ka fadhiya Xirsi Gaab oo wasiirkiisa madaxtooyada ah wuxu geeystayna iyo inta uu isaga yeelayna la wada og yahay. Dhanka kalena waxa ka fadhiya Dhuxul oo Af Hayeen u ah isaga oon af gaal iyo af muslin midna soo rogan karin. Inta hogaamiye dhacmeedSomaliland kala badatayna Been Madow ka naqaystay oo doaraad odayaashii Borme uga yimi si ay tabashooyinka Reer Awdal iyo Salel uga la hadlaan af lagaadadii sidii uu u af lagaadeeyay la ogaa een ilaa hadana tabashooyin koodiina waxba laga soo qaadin af xumadii Been Madowna aan xataa xaal qaata cidi odhan.
Aniga in uu Jaajuus yahay isaga ayaa afkiisa iiga sheegay isagoo markaa isaga oo taaga isaga kay dhigaya nin khatar ah oo belo ka dhacday. Budhcad nimadiisana cid waliba way og tahay inu yahay ninkii odayga 90 jirka ah af duubay. Markii uu Musharaxa Jagada Madaxwaynaha ee UCID sidaa foosha xun u maagay hadii aniguna aan yar taabtay boogihiisa ma hoygii makaan gubay waa yaabe?. Miyaanay se ahayn in ama uu afeef hore yeesho oo gaabsado ama uu adkaysin dambe yeesho? Mise xaalkiisu waa mar hadaan madaxwaynaha ag joogo afkayga cidi ma qaban karto cidii aan doonona waxii aan doono ayaan ku odhanayaa?.
Dee waa hadii laga yeelo. Anigu sidooda reero caayi maayo cid kalena waxba odhan maayo lakiin hadii ay iga soo go’do in aan u jawaabo cidda aan u jawaabayaa iyaga walaahi in aanay noqonay ee ka wax ka dhigay ee dadka ku soo fasaxay ayay noqonaysaaye yaan ha dhow Calaa geel laayay la odhan” Ayuu Ku Yidhi Qoraalkaasi uu Cali Guray Ku Baahiyay Boggiisa Facebookga