Musharaxa UCID Oo Si Adag Uga Hadlay Dilkii Saraakiisha

Musharaxa UCID Oo Si Adag Uga Hadlay Dilkii Saraakiisha

JAMAALOS

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Murashax Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa si adag uga hadlay mudaharaadkii shalay ka dhacay magaalada Gabilay, islamarkaan adeegsaday erayo dhiif iyo rabshad hurin ay xukuumadu ku tilmaamatay.
Jamaal Cali Xuseen ayaa hadal uu ka sii daayey muuq baahiyaha Horn Cable Tv- oo uu dhacdada gabiley kaga hadlayay, wuxuu ku yidhi“Marka horre waxaan jecelahay in aan halka tacsi uga jeediyo qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeen labadii sarkaal ee ciidamada qaranka, abaanduulihii guutada 17-aad iyo madaxii hawlgalinta ee guutada 17-aad oo maanta (shalay) dilkoodu keenay mudaharaad weyn oo gilgilay magaalada Gabiley.”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Jamaal wuxuu intaa ku daray oo u yidhi“Nin ka mid ah Askarta oo loo xidhay anshax xumo oo ay iyagu u xidheen ayaa wax dhacday in la soo daayo, ninkaas oo cid soo daysayna aan la garanayn, qorin la siiyay cid siisayna aan la garanayn.Ninkaasina uu si xaq-daro ah u dilay labada nin.Dadka reer Somalilandiyo shacabka reer Gabilay-ba arrintaas way gil-gishay oo geeri naxdin leh ayay ahayd, geeri ugub ku ah Somaliland ayay ahayd.Marka reer gabilay waxaan leeyahay ilaaliya nabadgelyadda oo mudaharaad salmi ahna xaqbaad u leedihiin”.

Jamaal wuxuu hadalkiisa sii raaciyay“Dowlada Somaliland waxaan leeyahay arrinkaasi sida ay u maamushay si wanaagsan muu ahayn oo labada sarkaal maamuuskii iyo qadarintii ay inaga mudnayeen maynaan siinin.”