MUUSE BIIXI Oo Afka Ka Xidhay Jawaabta Mucaaridka Iyo Xukumadda Oo Ka Cadhootay

MUUSE BIIXI Oo Afka Ka Xidhay Jawaabta Mucaaridka Iyo Xukumadda Oo Ka Cadhootay

Muuse Biixi Iyo Zz

Hargeysa(Salaanmedia.com)Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa aad u dhibsatay islamarkaana si weyn uga cadhootay dhawaaqii dhawaan ka soo yeedhay Xisbiyada Mucaaridka ah ee Waddani iyo Ucid ee ay ku Qaadaceen Diwaangalinta Madaniga ah.

Dhinca kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa gabi ahaanba isagu ka Muquurtay inuu u jawaabo Xisbiyada Mucaaridka ah, taas oo aanay soo dhaweyn Xukuumada uu Hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxtooyada Somaliland oo Filaysay in Gudoomiyaha Xisbiga Talada hayaa uu ka Jawaabi doono dhawaaqa Xisbiyada Mucaaridku ku Qaadaceen Diwaangalinta Madaniga ah, Maadaama uu yahay Gudoomiyihii Xisbiga Talada Haya, ayaa aad uga cadhootay Aamusnida Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, Taas oo keentay in ay Madaxtooyadu soo dirto Gudoomiye Kuxigeenka 2aad Xildhibaan Waabeeyo oo loo soo diray inuu u jawaabo Xisbiyada Mucaaridka ah.

Muquurashada Muuse Biixi uu ka muquurtay ee inuu u jawaabo Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay Maqnaanshaha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu ka Muquurtay inuu ka soo qayb galo dhawr Xafladood oo ay ku Qalinjabinayeen Ardayd dhamaysatay Saddex Jaamacad oo ku yaala Caasimada Hargeysa, Xafladahaasioo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin duwan oo ka tirsan Xukuumada oo hor kacayay Madaxweyne Siilaanyo, laakiin waxa aan Xafladahaasi ka soo xaadirin Gudoomiye Muuse Biixi, isagoo Dhambaalo Hambalyo ah Warbaahinta u mariyay Ardayda Qalinjabisay.

Tan iyo markii uu Muuse Biixi ka tanaasulay Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye, ayaan waxaan sidii Caadiga ahayd lagu arag Goobaha iyo Xarumaha Dawlada, taas oo Muujinaysa in aanu fiicnayn Xidhiidhka Dawlada Iyo Gudoomiye Muuse Biixi.