Muxuu Daarnaa Socdaalkii Waftida Odayaasha Dhaqanka Beelwaynta Habar-Yoonis Oo Si Diiran Boorama Loogu Soo Dhaweeyay.

Muxuu Daarnaa Socdaalkii Waftida Odayaasha Dhaqanka Beelwaynta Habar-Yoonis Oo Si Diiran Boorama Loogu Soo Dhaweeyay.

Boorame

Boorama-(Salaanmedia.com)-In ka badan 30 odaydhaqameedyo ka soo jeeda beelaha Habar-yoonis ayaa maanta galinkii hore soo gaadhay xarunta gobolka Awdal ee Boorama,odayaashan dhaqanka ah ayaa markii ay soo gaadheen Boorama waxaa si diiran u soo dhaweeyay oday dhaqameedyada dhigooda ee gobolka Awdal.
Imaatinka odaydhaqameedyada ayaa sida uu noo sheegay mid ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Awdal ay ka dambaysay codsi kaga yimid odayaasha dhaqanka beelaha Habar-yoonis kaas oo ku aadaanaa imaatinka gobolkan Awdal waxa uuna ka gaabsaday in uu caaqilkaasi wax tafaasiil ah ka bixiyo safarka odayaashan.
Dhanka kale isku day aan samaynay si aan xidhiidh ula yeelano waftigan ka yimid hargeysa ayaanan suuragalin.
Waftigan culus ayaa noqonaya waftigii ugu horeeyay ee oday dhaqameedyo ah oo noociisa oo kale ah yimid tan iyo doorashadii madaxtinimo waxaana ay ku sugnaanayaan magaalada Boorama mudo laba cisho ah.