NIDAAMKA MAANTA JIRAA YAANU INAGU DHAAFIN 26-KA JUNE, HADDII MAALIN LAGU DARANA IN GOBOLADA DALKA OO DHAN LAYSKAGA SOO WADA BAXAA OO MUDAHARAAD LA DHIGAA HADDII UU KA TAGI WAAYANA WAA IN SIDA CAALAMKA……….XIL. SICIID CILMI ROOBLE

NIDAAMKA MAANTA JIRAA YAANU INAGU DHAAFIN 26-KA JUNE, HADDII MAALIN LAGU DARANA IN GOBOLADA DALKA OO DHAN LAYSKAGA SOO WADA BAXAA OO MUDAHARAAD LA DHIGAA HADDII UU KA TAGI WAAYANA WAA IN SIDA CAALAMKA……….XIL. SICIID CILMI ROOBLE

ccccc

Hargeysa(Salaanmedia.com):-xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay dilkii saraakiisha ka tirsan ciidanka qaranka somaliland loogu gaystay Qori lugud iyo mudaharaadkii ka dhacay magaalada Gebilay.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu si adag u canbaareeyey diwaan gelinta madaniga ah ee ay xukuumadu doonayso inay qabato, waxaanu sheegay inay xukuumadu doonayso inay mudada ku dheeraysato.
Ugu horayn xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka hadlaya dooda ka socota golaha wakiilada somaliland ee la xidhiidha diwaan gelinta madaniga ah ayaa waxa uu yidhi “Golayahayga dood ayaa ka socoto wax kalana maaha waxa weeyaan diwaan gelin muwaadiniinta lagu sheegayo oo tuurka lagu sito oo cidii la doonana la diwaan
gelinayo cidii kalana layska dhaafayo, mana aha mid sugan, diwaan gelinta codbixiyayaasha waxa fadhiya muraaqibiinta xisbiyada qaranka,wasaarada arimaha gudaha ayaa joogta, askar ayaa joogta, diwaan gelinta madaniga ahna wasaarada arimaha gudaha oo kaliya ayaa wada, Cali Waran Cade ayaana tuurta ku sita qaab loo diwaan gelinayaana ma jirto, nidaamka caynkaas ah ayaa doonaya inuu laba sanadood ama sadex sanadood korodhsado diidnay dhaha, Gebilay, Hargeysa,Ceerigaabo, Saaxil, Boorame, Burco intuba waa inay diidaan.”
Sidoo kale waxa uu sheegay inay xukuumadu doonayso inay ku samaysato mudo korodhsi laba sanadood ama sadex sanadood ah waxaanu yidhi “Tani laba sanadood oo danbe inama hayn karto haddii ay korodhsatana maxaa inaga hadhaya, anigu waxaan leeyahay nidaamkani ha dhaco oo hala rido, waxaan leeyahay shalay waa kii Siilaanyo inagu hor kacayey mudaharaadka kaas kiisana waynu keenaynaa, miidaanu taxriir ayeynu keenaynaa waynu kacaynaa rasaastana ha wadaan haddii ay dayn waayaana inaguna waynu la soo baxaynaa, sababtoo ah sharciyan waxan aynu qaadanay maaha in rasaas dadka lagu laayo.”
Ugu danbayntiina waxa uu sheegay inay dadka reer somaliland ee ku dhaqan gobolada dalku ay reer Gebilay iyo reer Boorame la qaybsanayaan baroor diiqda saraakiishii lagu dilay Qori Lugud waxaanu mar kale yidhi “Aad iyo aad ayaan uga xumahay waxaas dadka ku dhacay haddii aad tihiin Boorame,Dila ama Gebilay gobolada dalka oo dhan wuu idinla qaybsanayaa baroordiiqda waxaan leeyahay arinkaasi waxa uu mid meel ka dhac ah waxan kale ee la sameeyey waa meel ka dhac, waxaanna leeyahay nidaamkaasi yaanu inagu dhaafin 26-ka June haddii maalin lagu darana waa in gobolada oo dhan layskaga soo wada baxaa oo mudaharaad laga dhigaa haddii uu ka tagi waayana waa inaynu sida caalamka madaxtooyada galnaa inaga oo shacab ah.” Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.