Nuxurka Go’aano Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Dhexe Xisbiga Dimoqraadiga Soomaalida Ethiopia Oo Jigjiga Lagu Soo Gebogabeeyay

Nuxurka Go’aano Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Dhexe Xisbiga Dimoqraadiga Soomaalida Ethiopia Oo Jigjiga Lagu Soo Gebogabeeyay

Kil 5aad

Jigjiga-(Salaanmedia.com)- Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya XDSHSI oo shalay labadii gelinba ka socday magaalada Jigjiga, ayaa xalay la soo gebagabeeyay, waxaana laga soo saaray go’aano ay ka mid ahaayeen xubno laga saaray guddiga fulinta ee xisbiga, iyo xubno cusub oo lagu soo daray guddiga fulinta ee xisbiga. Shirkan Golaha dhexe ee xisbiga waxa lagu go’aamiyay in la qabto shirwaynihii caadiga ahaa ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya, kaas oo loo xil saaray qaban-qaabada shirka xisbiga guddi ka kooban Sagaal xubnood, oo ay magacyadoodu kala yihiin. Cabdicasiis Maxamed Cabdi Gudoomiye Mawliid Haayir G/Ku xigeen Axmed Maxamed Shukri Xubin Khadar Cabdi Ismaaciil Xubin Raxma Maxamud Haybe Xubin Saadiq Xubin Dr. C/Qaadir Iimaan Xubin Fartuun Cabdi Mahdi Xubin
Jamaal Dheere Xubin Shirkan Golaha dhexe ayaa lagu soo waramayaa in lagu ansixiyay Afar xubnood oo lagu soo daray guddida fulinta Xisbiga ESPDP, oo ay magacyadoodu kala yihiin Jamaal Cusmaan (Jamaal Dheere), Wasiirka Kobcinta Awooda Khadar Cabdi Ismaaciil (Khadar Dheere),Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Liibaan Maxamed Daahir, iyo madaxa arrimaha xisbiga ee degmada Jigjiga Sheekh Xasan, Sido kale, sida ay sheegayaan warar u dhuun dalloola shirku waxa guddiga fulinta laga saaray Madaxweyne kuxigeenka DDSI Cabdilaahi Yuusuf Weerar (Cabdilaahi Ethiopia),Wasiirkii arrimaha bulshada Cabdiraxmaan Gurey,Iyo Wasiir kuxigeenkii Warfaafinta Faaraxow, isla markaana waxay Golaha dhexe go’aamiyeen in xubnahaasi laga qaado xilalkii ay hayeen, waxaana cod lagu ansixiyay inuu Mawliid Haayir noqdo Madaxweyne kuxigeenka DDSI oo bedelaya booskii laga saaray Cabdilaahi Ethiopia. Warku waxa kale oo intaa ku daray in, Garabka ka soo ho-rjeeda Madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, in ay shalay shir isugu yimadeen magaalada Jigjiga Todoba xubnood oo ka mida Guddiga fulinta Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Ethiopia (XDSHSI) xaruntooda Magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia ayaa waxay xilkii guddida fulinta kaga qaadeen,Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar, Iyo Guddoomiyaha Xisbiga XDHSI Maxamed Rashiid, kadib markii muddooyinkii ugu danbeeyey uu muran soo kala dhex galay, waxaanu warku intaa ku daray inuu shirkaa shirguddoominayay Xoghayaha Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Ethiopia (XDSHSI) Cabdilaahi Yuusuf Weerar (Cabdilaahi Ethiopia) ayaa kulankaasi ka akhriyay sababha keenay xilka qaadista wakhtiga iyo weliba cidda ay ku bedelayaan-ba. Labada garab ee xisbiga ee khilaafku ka dhax alloosmayayaa lagu soo waramayaa in ay kala dhex gashay dhexdhexaadin-tooda dawlada dhexe ee Federaalka Ethiopia.