“Orod Oo Madaxtooyada Tag Oo Halkaas Sacabka Ka Garaac……..”

“Orod Oo Madaxtooyada Tag Oo Halkaas Sacabka Ka Garaac……..”

CALI WARA

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa xildhibaanada Golaha Wakiiladu su’aalo dhinacyo kala duwan taabanaya ku waydiiyeen fadhigii shalay oo uu hor yimi Golaha oo ay ku wahelinayeen Taliyayaasha Booliska iyo Laanta socdaalka Somaliland.
Su’aalahaa xildhibaanadu waydiiyeen Wasiirka daakhiliga waxa ugu xiisa badnaa qaar ay isaga hadal celiyeen xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Wasiir Cali Warancadde. Xildhibaanku wuxuu ku bilaabay dood u dhacday sidan,
“Xukuumaddu mid ha ogaato, waynu kala leenahay xilka. Wixii shuruuc quseeya anaga ayaa leh waajib ayay idinku tahay inaad raacdaan. Dalkeenu waa dimuqoraadi oo waxaanu nahay sharci dajin waxa kaliya oo aad fulinaysaan waxa ka soo baxa Golayaasha oo uun. Wax kaligiin aad samaysan kartaan ma jirto.?
Intaa kadib Wasiirka arrimaha gudaha Cali Waran-cadde ayaa hadaa l ka soo yeedhay Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble kaga jawaabay sidan; “Haddii ay sharciga ku jirto inaad ilaa xadkaas socon kartaan waa diyaar, haddiise aanay ahayn oo awoodu inoo kala xadaysan tahay waxaan jecelahay inay qolo waliba inteeda ku ekaato.”
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa u baxay mar kale, waxaanuu yidhi;Wasiirka, “ Xeerkan cod bixiyaasha aniga ayaa Gudoomiye ka ahaa, waana la laalay oo mar kaliya ayaa doorashada lagu galay. Waxa uu leeyahay waa in qofku muwaadin noqdaa, laakiin sida uu muwaadin ku yahay, goobaha dhalashada lagu qaadanayo iyo dhamaystirkiisa Wasiir waa xeerka aad imika keentay. Markaa Kelmad Wasiir waajibinaysa in dhalasho la qaato ha ii soo qaadan, haddii aan taada kuu raaco mooshin ayaa lagu keenay oo Golaha ayaa laalay xeerkan.?
Wasiir waran-cadde wuxuu kaga fal-celiyey weedhaa, in Baarlamaanka iyo masuuliyiinta ha’yaddaha dawladu kala leeyihiin awoodo, wuxuuna ku jawaabay. “Awoodo ayeynu kala leenahay, waxaanan soo dhawaynayaa in la tixgeliyo awooda Baarlamaanka, isla markaana waxaan idinka codsanayaa in la tixgeliyo awoodayda iyo awooda dawlada. Waxa jira nidaam iyo qawaaniin badan oo aynu ku kala socono, haday qawaaniintaasi idin siiso inaad ilaa biyatooniga ila shaqeeyaha inaad u yeedhaan diyaar ayaan u ahay haddii ay idiinsiin waydana dee gacan toogaalada iga daaya,”.
Mar kale ayaa Xil. Siciid Cilmi soo laabtay waxaanuu yidhi; “Wasiir 23 sanno ayaynu dawlad nahay, dawladdaha caalamku waxay ku hogaamiyaan siyaasad iyo barnaamij cad oo Golayaasha la keeno”.halkaa markuu marayo ayaa yabaq iyo weedho doc ka weerar ahi ka soo yeedhaan muxaafidiinta, balse wuu sii watay,” Anigu mid Xildhibaan ah oo halkan ka guul wadeeya ma rabo, ee anigu wasiirka ayaan la hadlayaa, orod oo madaxtooyada tag oo halkaas sacabka ka garaac. Wasiir Sanaag Beri, Sool iyo Buuhoodle Tabashaa ka jirta, waanna shacabkeenii, doorasho walba way ka hadhaan oo maalin walba weerar-baa lagu qaadaa, haddanna waa laga soo baxaa, dalkana wasiir adigaa u wasiir daakhiliya oo madaxweynuhu kuu igmadday, barnaamij cad oo aynu goboladeenna iyo dadkeenna ku hanaana ma inoo yaallaa?

Warancadde kaga jawaabay dooddaa oo uu yidhi, “Dowladihii kala dambeeyay ee ay ugu dambayso tan aan imika ka midka ahay, waxay ku dadaaleen si xigmadi ku jirto oo aan dagaal ahayn oo aan dhiig lagu daadiya ahayn oo is qancin ah in aynu ku gaadhno xuduudaha, way noo suura-gashay, waynu ku dedaalay oo aad baynu u yaraynay khasaaraha labada dhinac.”
Dhinaca kale, Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay u muuqday qaar aan xogo badan iyo macaluumaad ka haysan labada diiwaan galin ee xukuumaddu isku ladhay, mucaaridkuna ka qaylinayaan, kuwaas oo aan wax badan ka weydiin Wasiirka arrimaha gudaha xeerarka diwaan galinta madaniga ah iyo codbixiyaasha doorashooyinka ee khilaafka ka dhex dhalisay mucaaridka iyo Xukuumadda.