Qaabkii Uu Udhacay Dilkii POLICE-Ka Ee Wiil Dhalinyaro Ah Oo Ay Ku Toogteen Gabiley

Qaabkii Uu Udhacay Dilkii POLICE-Ka Ee Wiil Dhalinyaro Ah Oo Ay Ku Toogteen Gabiley

DILKII GABIL

Gabiley(Salaanmedia.com)wararka iska soo daba dhacaya ee ku saabsan wiilka maxbuuska ahaa ee maanta ay ciidanka bilayska gabilay ku dileen Gabilay ayaa sheegay in wiilkaasi oo ku eedaysnaa kusfi saaka la keenay maxkamada Degmada Gabiley markii la dhameeyay dhagaysiga kiiskaasi ee ay ciidanka Bilayka Saldhiga gabiley wiilkaasi iyo maxaabiis kale ay u qaadeen Xabsiga dhexe ee Gabiley.
Alle Ha U Naxariistee,Mukhtaar Xasan Barre oo ah wiilka dhintay ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu ka baxsado ciidanka isagoo ka booday gaadhigii uu saarnaa ee lagu siday meel u dhaw Xabsiga ee Gabiley oo lagu sii waday,waxaana la sheegay inay sidaasi ciidankii maxaabiista siday rasaas ugu fureen wiilkaasi. Mukhtar Xasan Barre ayay rasaastii ay ciidanku ku rideen ka qabsatay dhabarka danbe waxaanu islamarkiiba ku qudh baxay isla goobtii oo aan sidaa uga fogayn halka uu taagnaa gaadhiga ay saarnaayeen maxaabiista ee uu la socday.
Sida warkan aanu ku helnay askartii dilkan gaysatay ee rasaasta riday ayaa loo dhaadhiciay Xabsiga halkaasi oo baadhis lagu kala saarayaa ay ku socoto,dhinaca kale xaalada Gobolka gabiley ayaa degan waxaanay Shacabka reer Gabiley iska waraysanayaa sida kiiskani u dhacay iyo sida wiilkaasi oo maxbuus ah islamarkiiba dilka loogu fuliyay,iyadoo ay Cisbitaalka Gabiley lagu daawaynayo dhaawaca dadkii mudahaaradayay Doraad ee ciidanku rasaasta la dhaceen.
Waxa xusuus mudan in ka hor intaan maxbuuskaasi iyo maxaabiistii la socotay laga qaadin maxkamada degmada Gabiley in mudo ah loo raadinayay gaadhi lagu qaado maxaabiistaasi kadib markii la waayay gaadhigii khaaska ahaa ee maxaabiista ka soo qaadi jirtay kuna celin jirtay xabsiga,waxaanay markii danbe loo helay oo ay masuuliyiinta ciidanka bilayska Xabsigu u soo kaxaysteen gaadhi nooca caanaha soo galiya ah Gabiley oo dad gaar ahi leeyihiin. Garsoorka maxkamada Degmada Gabiley ayaa aad uga dar daar wariyay gaadhiga maxaabiistaasi la saaray waxaanay ciidanka ku canaanteen inay dusha u ridan doonaan wixii cawaaqib ah ee ka timaada gaadhigaasi la saaray oo aan ku haboonayn maxaabiista.
Garsoorayaashii iyo Xeer ilaaliyaashii Maxkamada Gabiley ayay dhakafaar ku riday arintani kadib markii ay ka war heleen maxbuus bari ah oo si nabad qabta looga qaaday maxkamada oo daqiiqado kadib loo soo sheegay dilkiisa. Sida warar dheeraad ahi noo sheegeen Xabsiyada Gobolka Gabiley ayaan lahayn gaadiid u gaar ah wakhtigan waxaana la sheegay inay gaadiidkii ay lahaayeen ee u gaarka ahaa gabi ahaanba fadhiyaan sidaan ay u adeegsadaan oo ay ku soo qaadaan gaadiid shacabka hadba gaadhiga ay helaan.