Salaadiinta Dagta Waqooyiga Magaalada Hargaysa Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Ay Faraha Kala Baxdo Deegaanka Ceel La Helay.

Salaadiinta Dagta Waqooyiga Magaalada Hargaysa Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Ay Faraha Kala Baxdo Deegaanka Ceel La Helay.

SALAADIIN

Hargaysa(Salaanmedia.com)Cuqaasha Salaadiinta iyo Waxgaradka ku dhaqan Deegaanka Ceel la helay oo ku dhaw Tuulada Gumbur-Caday ayaa waxa ay ka hadleen Ceel Laga Qodayay Deegaankas oo ay isku maan-dhafeen Masuuliyiin Siday ay Shegeen Xukuumada Hor Kacayso. Caqaalidan oo Saaka Shir jaraa’id si wadajir ah ugu qabtay Magaalada Hargaysa ayaa waxa ay ganafka ku dhufteen inaan degaankas laga qodi Karin ceel,balse Ubaahan yihiin waxqabadka Kale ee xukuumada
Wasaarada Deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga ayaa Iyana Dhulkaas lagu muran sana yahay waxa ay kasoo saartay Baaqyo kala duwan kuwaas oo ay ku sheegtay inaan ceelna laga qodi Karin Sifo kalena loo ismicmaali Karin,balse madax
dhaqmeedku waxa ay shaaciyeen inaanay garanayn Ujeeda dhabihii ay lahayd looga leexiyay. Waxa ay wasaarada Arrimaha Gudaha,wasiirka Biyaha,Wasiirka Beeraha ay dhamaantood usoo jeediyeen in ay masuuliyadooda qaadi doonaan Dhibaatada Halkaasi ka dhacda,Balse Madaxwaynaha somaliland ayaa Digreeto uu soo saaray ku sheegay inuu deegaanku muhiim yahay,isla markaas Qofkasta looga baaha yahay inuu ilaaliyo deegaanka
Axmed Ibraahi Cilmi oo isagu kulan kaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Baaqyada ay wasaarada Deegaanka kasoo saartay Deegaankaasi faah-faahina ka bixiyay ujeeda ay u diidan yihiin in ceel laga qodo Degaankaasi waxaana uu yidhi”
“Xukuumada Waanu la shaqaynaa Madaxwaynaha somaliland Waa nin Muumin ah lakiin wasiiro ayaa dadka isku khuukhinaya,waxaana Hada halkan ka sheegayaa inaan degaankaasi u baah nayn Biyo ee uu durdur yahay,Ceel laga qodo oo mash ruucaysana ma ogolaanayno,waxaana Dadka deegaanka ugu baaqayaa In ay Difaacdaan Dhulkooda Si dhib Yarna aan looga qaadin.
Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ayaa dadka isku dilaya Waxaana uu noo sheegtay wasiir Waxaanan Madaxwayne Leenahay Ninkaas naga soo qabo,Dadka deegaankuna Dhibna hada uma baahna. Salaadiinta Iyo Cuqaashan Shirka Jaraa’id Qabtay ayaa waxa ay soo saareen Qodob Ay xukuumada ugu baaqayaan IN Ay deegaankasii wax ka qabato. “Dhulkan la doonayo in Laga Qodo ceel waa dhul Daaq Simeed,Dadka deegaankuna uma baahna In laga xidho halka ay xoolahu u daaqayaan.Wasiirada Deegaanka oo soo bookhatayna waxa ay noo sheegtay inaan sifo kale loo isticmaali kari,isla markaasna goobtani tahay Goob dhul Daaq-simeed ah,waxaana ay sheegay inaan Laga Dhisi Karin Guryo lagana qodi Karin ceelal. Qodobka 2aad:-Wasiirka arrimaha gudaha arinkan waanu u gudbinay Ilaa hadana waxa jawaab ah oo uu nasiiyay kama hayno,Xukuumada markaas madadka ayay isku dilaysaan,Nabadu waa qaali,lakiin waxa soo baxay rag iyagu Doonaya in ay ku dheel-dheelaan
Qodobka 3aad:-Cid kasta ha noqotee,waxaanu xukuumada ugu baaqaynaa Inaan angu masuuliyadeeda qaadi Karin dhibkii halkaas ka yimaad,Wixii Deegaanka noogu yimaadana aanu iska celin doono. 4:-Dalka anagu waanu ka qatanay hadaanu nahay Dadka Daga Deegaanka Ceel la helay taasna haday noogu dareen,iyaga ayaa midhaheeda guran. Suldaanada saaka shirka Jaraa’id qabtay oo ay tiradoodu dhamayd 37 iskugu jira Suldaan,Caaqilo,Guddoomiyayaal,Haydh Tuulo ayaa dhamaantood waxa ay ka dhawaajiyeen inaanay u dulqaadan doonin in laga Qodo Dhulka ay dagan yihiin Ceel Mash-ruucaysan oo siday ay carab dhabeen Xukuumadu soo abaabulayso,waxaana ay ugu baqeen Cid kasta oo nabad Jecel in ay usoo gurmadaan sidii Murankaas Dhex yimid Xal waara looga gaadhi lahaa