SHALAY:Kaambaynkii Madaxtooyada Ee Diiwaan Gelinta Madaniga Ah, Weedhihii Madaxweynaha iyo Wasiiradda

SHALAY:Kaambaynkii Madaxtooyada Ee Diiwaan Gelinta Madaniga Ah, Weedhihii Madaxweynaha iyo Wasiiradda

MADAXTOOYADA 11

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Maayarada degmooyinka iyo Badhasaabada Gobolada dalka Somaliland oo uu ku wehelinayay Wasiirka arrimaha gudaha Cali Waran-cadde iyo xubno kale, isla markaana waxa la sheegay in kulankaasi uu daarnaa dhawr u jeedo oo kala duwan.
Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiinta gobolada iyo degmooyinka waddanka, ayaa la sheegay inay ku dheeraadeen arrimaha diwaan gelinta cod bixiyaasha iyo dawaan galinta madaniga ah ee xisbiyada mucaaridku ay walaaca ka muujiyeen, kana wada hadlay sida ugu wanaagsan ee looga wada hawl-gali karo hirgalinta diiwaan galinta madaniga ah, taasoo kulankaa lagaga hadlay, sida ugu haboon ee loo qaybin-karo goobaha diwaan galinta Gobolada iyo wacyi galinta dad weynaha sidii loo samayn lahaa.“ Badhasaabada iyo Maayarada Gobolada iyo degmooyinka dalka, aad iyo aad baan marka hore idiin soo dhawaynayaa. Arintani waa hawl qaran oo inoo wada taala, ilaalinta nabad-gelyada iyo wada jirka. Hawshana wixii looga baahnaa Wasiiradda ayaa aad u sharaxay, markaa waxaan rajaynayaa in sidii la idiinku faahfaahiyey ee la idiin sheegay aad ku ligiin ku hawl gashaan oo meel looga soo wada jeesto oo hawshaasi waa hawl qaran ee xil iska saara, Markaa Xilkaa ina saaran aan ka soo wada baxno,” ayuu yidhi Madaxweynaha oo hadal kooban ka jeediyay Warbaahinta ku hadasha afka dawladiisa.

Dhinaca kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag-dhawaa kulankaa dhexmaray Madaxweynaha iyo Badhasaabada, Maayarada Gobolada iyo Degmooyinka dalka ayaa xalay Wargeyska Ogaal u sheegay in Madaxweynuhu faray Gudoomiyayaasha Gobolada inay ka hawl-galaan sidii ay u abaabulilahaayeen Taageerayashii Xisbul xaakimka Kulmiye oo meesha ka baxay iyo xarumihii Xisbiga Kulmiye oo Gobolada iyo Degmooyinka albaabada loo wadda laabay, ka dib markii lagu yeeshay kirooyinkii guriyaha ee xisbigu ku jiray qaarkood.
Xogahaasi waxay intaa ku dareen Madaxweyne Siilaanyo kula dar-daarmay masuuliyiinta ka socday Gobolada iyo Degmooyinka dalka inay u diyaar garoobaan dagaalka siyaasaddeed ee kaga soo wajahan labada xisbi mucaarid ee Waddani yo Ucid, isla markaana waxa la sheegay in Axmed Siilaanyo faray in cidda ay ka shiidaal qaadanayaan ee gadhwadeenka ka ah abaabulkooda uu yahay Wasiirka arrimaha gudaha Cali Waran-cadde oo isna kulankaa ku sugnaa.
Musharaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen oo isna ka hadlay kulanka Madaxweyne Siilaanyo, Badhasaabada iyo Maayaradka Degmooyinku kaga arrinsanayeen diwaan gelinta madaniga ah, kaasoo ku gacan saydhay qaabka xukuumadu u wado diwaan galinta madaniga ah. “Waxaanu diidan nahay sida loo wado diwaan gelinta madaniga ah ee iyada ma diidanin. Waxa la doonayaa in lagu khaldo diwaan gelinta cod bixiyaasha. Waxa la doonayaa in dadka reer Somaliland oo dhan la diwaan galiyo, waxaanay qaadataa waqti fara badan. Waa la badelay diwaan galintii oo waxa la yidhi wixii 16 ka yar oo kaliya ayaa la siinayaa diwaan gelinta, markaa adeer kaadhadh aad soo samaysatay doorasho nagula galimaysid, mana aqbalayno,”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo shalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta.
Waxa Jamaal uu sheegay inuu ku fashilmay Cali Waran-cadde Baasaboorkii uu sheegay in dadku ku dhoofayaan wuxuu yidhi, “Wasiir dadku waxay ka sugayaan Baasaboorkii aad u balan qaaday ee aad tidhi Xajka ayaa lagu tagayaa, Xajkiina wuu taagan Wasiir. Waxba maad keenin, immikana waxaad ka hadlaysaa Edhikaadhkii. Meel qaadhaan bixiyaashu ku yidhaahdeen lacag mahayn ma jirto, markaa raga waa weyn maaha inay tv-yada isla soo tagaan wax xaqiiqada ka fog. Wasiir wixii aad saxeexday saddex bilood ka hor ayaad immika walaaqaysaa oo aad jaah wareerinaysaa.”
Geesta kale, Gudoomiyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo todobaadkii aynu soo dhaafnay la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inay suurta gal ahayn in labada diwaan gelin mar la wada qabto, kuwaas oo ku dooday inaanu jirin, lana samayn xeerkii Jinsiyada dhalashada ee muwaadiniinta reer Somaliland.
Hase yeeshee xisbiyada mucaaridka, ayaa ku eeddeeyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay labada diwaangelin ee isa saartay ay ka leedahay dano siyaasaddeed, taasina ay keentay shakiga mucaaridka.