Tuhun Laga Qabo Shirkado Xubnaha Bini-Aadamka Ka Shaqaysta Oo Somaliland Xarumo Qarsoodi Ah Ka Samaystay Iyo Todobaadkii U Danbeeyay Oo Masaajidada Hargeysa Laga Baafinayo Caruur Tiro Badan

Tuhun Laga Qabo Shirkado Xubnaha Bini-Aadamka Ka Shaqaysta Oo Somaliland Xarumo Qarsoodi Ah Ka Samaystay Iyo Todobaadkii U Danbeeyay Oo Masaajidada Hargeysa Laga Baafinayo Caruur Tiro Badan

Jidh Ka ganacsi

Wiil 13-jir oo reer Hargeysa ayaa todobaadkii hore laga qafaashay Iskuulkii uu dhiganayay magaalada Hargeysa waxaana lala tagay Caasimada Gobolka Togdheer ee Burco,halkaasi oo la sheegay inuu markii danbe cagihiisa kaga soo baxsaday,sidoo kale todobaadadan u danbeeyay waxa idaacadda iyo masaajidda Hargeysa laga baafinayay carruur da’doodu ka hoosayso 15-jiro,kuwaasi oo caafimaad qaba oo aan lagaranayn meel jaan iyo cidhib lala maray,waxaana loo malaynayaa in arrintoodu la xidhiidho ta wiilkan yar ee la qafaashay ee Burco lala tagay.

Khadar Cabdisalaan Axmed Nuur oo ah wiilkan yar ee todobaadkii hore laga qafaashay Hargeysa ayaa sida aabihii iyo isaguba ay noosheegeen waxa maalin duhur ah isaga oo ka soo rawaxay iskuul uu dhiganayay oo ku yaala Xaafada New-Hargeysa,u gacan haadiyay niman saaran gaadhi NOAH-ah,markii uu ku soo dhawaaday gaadhigii ayaa waxa u soo degay mid ka mid ah raggii gaadhiga watay,waxa uu ka taabtay wiilkii gacanta waxaanu ku yidhi fuul gaadhigan,wiilkii isaga oo baraad la,a,ayaa uu fuulay gaadhigii sidaan waxay kula tageen Magaalada Burco ee Caasimada Gobolka Togdheer,wiilkan ayaa waxa uu sheegay in gaadhiga lagu qaaday uu ahaa gaadhi NOAH-ah,nooca rakaabka qaada,waxa uu sheegay inay saarnaayeen markaa la qafaashay saddex nin oo hadii la horgeeyo uu garan karo wajidooda.

Khadar cabdisalaan ayaa waxaa uu sheegay in magaalada Burco laga dejiyay guri cidlo ah oo aanay cidi ku noolayn,waxaa uu sheegay in markii uu habeen seexday gurigaasi cidla’da ah uu is ogaaday in naftiisa duulaan lagu yahay,isla habeenkii Burco uu u hoyday aroornimadii waxa dusha lagaga sii qufulay gurigii cidlada ahaa ee uu habeenkaasi uu u hoyday. Khadar Cabdisalaan Axmed Nuur,sida uu noo sheegay Waxaa uu ka soo booday Gidaarka suuliga guriga,waxaanu u soo baxay dibada,sida uu noo sheegay markii uu in cabaar ah luuq-luuq ordayay,waxaa uu si kedis ah u galay guri xaas,isagoo aad u xiiqsan oo neef tuuraya. Qoyskii deganaa guriga ayaa gar gaar u fidiyay way soo dhaweeyeen waanay waraysteen sida la sheegay waxa uu uga sheekeeyay halka laga soo qafaashay,shaqada Aabihii iyo halka uu reerkoodu ka degan yahay Hargeysa,sidaana waxa wiilkaasi loogu soo celiyay qoyskoodii oo Hargeysa Degan.
Hadaba maalmahan u danbaysay waxa Shacabka reer Hargeysa ka soo yeedhaysay qaylo dhaan baafin ah oo ay ku baadi goobayaan ubad badan oo aan la garanayn meel jaan iyo Cidhib lala maray,waxaa masaajida iyo Idaacada Radio Hargeysa si isdaba joog ah looga baafinayay carruur Da’doodu ka yar tahay 15-jir,oo mar qudha uun qoyskoodii ay waayeen,waxaanay arintani muujinaysaa inay wadanka ku soo kordheen shirkado ka ganacsada Xubnaha Bini-aadamka,kuwaasi oo aduunyad si tuugga ah uga dhex shaqaysta oo farabaas ku hayay Ubadka Caafimaadka Qaba ee da’doodu ka hoosayso qaangaadhnimo. Haayadaha Amniga Somaliland ayaan wax xil ahba iska saarin inay wax dabagal ah ku sameeyaan arimaha noocan oo kale ah,waxaanay muujinaysaa fadhiidnimada Ciidamada Nabadgalyada Somaliland inay war sugan ka gaadhaan kiisaska noocan oo kale ah ee mar mar soo gaadha xarumahooda.