War Deg Deg Ah Shir Labadda Xisbi Uga Socda Ambaassidor Iyo Xukumadda Oo Ka Muuqaratay Kulankii Loo Balansanaa

”Waran Cadde Oo Berbera U Cararay, Xirsi Oo Hargeysa Dhuumaalaysanay + Mucaaridka Oo Shir Albaabadu U Xidhan Yihiin Ku Jira…….”

BROK NEWSSSS

Hargeysa(Salaanmedia.com) Labadda Xisbi mucaarid ayaa shir albaabadu uxidhan yihiin Hadda uga Socda Hotel Ambasidoor ee magaalada Hargeysa,
Ma cadda ujeedada kulankan Daaran yahay iyo Waxyaabaha Labada xisbi mucaarid isla soo qaadayaan , waxana gebi ahaanba debeda ka ah kulankan warbaahinta.

Balse waxa kulanka sababtay kadib balantii galabta Hotel Ambasidoor ee xukumadda iyo mucaaridka oo ahayd in laga waddo hadlo xeerka diwaan gelinta Madaniga ah taaso xubnihii xukumadda Metelayay ka muquurteen,

Sida ilo xog ogaal ahi  Usheegayaan waxa kulankan dhanka xukumada Qorshaysnaa inay ka qayb galaan mucaaridkana kala hadlaan arinta muranka Dhalisay Ee diwaangelinta Madaniga ah Wasiirada Arimaha gudaha , Madaxtooyada iyo weliba Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye balse galabta aan Kasoo xaadirin Goobti balantu Ahayd ee Hotel Ambaasidor.

Xogo u dhuun daloola Madaxtooyada ayaa tibaaxaya in Wasiir Cali Waran Cade isagu maantaba Duhurkii Berbera U Cararay si aan mucaaridku farta ugu fiiqin in ay ka muquurteen kulankii laysla af gartay in layskaga tuhun saaro diwaangelinta Madaniga ah ee madmadowga badani ku jiro.

Geesta kale talaabadan Xukumaddu kaga muquuratay inay Mucaaridka oo ay hore ula balameen Kulankan kaga baxaan ayaa la sheegay inay tahay amar xalay Madaxtooyada ay ku siisay Marwo Aamina Weris Labadan wasiir Iyo Madaxda xisbiga kulmiye taaso usoo bandhigtay qorshe kaasi bedelkiisa ah oo ah inay Awoododa dawladeed isugu geeyaan Inay xoog, xeelad iyo dhaqaale ku mariyaan Golaha Baarlamaanka Oo Xeerkani hadda horyaalo.

Si Kastaba ha Ahaate waxan la saadalin karin maxsuulka kasoo baxa shirka hada uga socda labadda Xisbi mucaarid oo lagaga Baxay in lagala hadlo Diwaangelinta Madaniga ah oo ay qaadaceen lagana tuhun saaro sababta ay dalka iyo dadka danta Ugu Tahay.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Oodweyne news